Cabdi Sataar kale ayaa dhashay!

Ma dhinte waa Ilaah, qof kastana waqti ayaa dunida la keenaa, waana laga wadaa xilli aanay cidi-ogayn Rabbi mooyee.

Doonista Alle ayay wax kasta ku dhacaan. Bini’aadamka waxba ma samayn karo amarka Alle la’aantiis, cidi ma dili karo, cidi ma noolayn karo, tiisana waxba uma galo, haddii aanu Rabbi ugu talagalin.

Cabdisataar Daahir Sabriye wuxuu ka mid ahaa wariyeyaal saaxiibadeen ah iyo dad kale oo rayid ahaa oo si xaq-darro ah loogu casuuqay magaalada Muqdisho 20-kii bishan (October 2012), dad baa ku faanay inay xasuuqooda gaysteen, isla markaana waxay ballan-qaadeen dilka kuwo kale oo aan waxba galabsan sidooda.

Taas waxay daliil cad u tahay inay awoodda Alle hilmaansan yihiin, mar haddiiba ay ballan-qaadayaan dilka dad uu Alle uun ogyahay ajashooda xilliga ay ku eg-tahay.

Meeqa ay saacado u qabteen baa wali nool, meeqo ay rasaas la dhaceen oo uu Alle ka badbaadiyay dhagartooda, haddana nolol wanaagsan ku jira. Haddii ay awoodaan ma kula tahay akhriste inay cidi deyn lahaayeen dadka ugaarsanaya wax-galka bulshada?

Inkastoo dhimashadii dadkii lagu xasuuqay maqaayadda The Village, Hargaha iyo Saamaha, Shaamo, Tiyaatarka iyo Dhuusamarreeb ay xanuun iyo uur-kutaallo nagu reebtay haddana, waxaan aaminsanahay inay mareen waddada xaqa ah ee uu Alle noo sheegay in la wada-marayo.

Haddii aan duluucda qormada u soo dago, Cabdisataar Daahir Sabriye iyo dadkii kale ee lala xasuuqay waxaa dishay gacan ka gardaran, waxaanna Alle u waydiinayaa Jannadiisa Fardowsa.

Haddii aan dambi Alle ka cabsanayn waxaan dhihi lahaa Cabdisataar ma dhimman ee wuu dhashay! si ay naxdin iyo argagax ugu abuurto kuwii dilkiisa ka dambeeyay.

Bishan (October 2012) 4-teedii, meel 10 mitir wax ka yar u jirta halkii lagu duugay Cabdisataar Daahir Sabriye ee Isbitaalka Madiina wuxuu wiil ugu dhashay, Cabdi Daahir Sabriye oo ay walaalo ahaayeen, waxaana loo bixiyay Cabdisataar Cabdi Daahir Sabriye.

Waalidiinta Cabdisataar-ka dhashay waxay ballan-qaadeen inay ku dedaalayaan in marka uu koro uu buuxiyo booska muhiimka ahaa ee uu banneeyay Cabdisataar-kii uu Alle oofsaday.

Bal u fiirso, dhimashada iyo dhalashada labada Cabdisataar kaliya waxaa u dhaxaysay 13-maalmood, meesha uu ku dhashay Cabdisataar-ka cusub iyo halka lagu aasay kii hore waxaa u dhaxaysay 10 mitir, goobtana waa isbitaalka Madiina.

Waxaan Alle uga baryayaa Cabdisataar Daahir Sabriye inuu jannadii Fardowsa uu ka waraabiyo isaga iyo dadkii kale ee xaq-darrada lagu dilay, Cabdisataar Cabdi Daahir Sabriye-na uu Alle barbaariyo, kana dhigo kii diintiisa, dadkiisa iyo dalkiisa anfaca.

WQ: Tahlil Colaad

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qoraaga ku saxiixan, wax shaqo ahna kuma lahan tan Caasimada Online.