28.3 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

Aqri: 9 qodob oo sumcad darro u horseedi kara Gaafow hadduu…

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Inkastoo ciidamada DFS ay ka siman yihiin daryeel la’aanta iyo Xuquuqdooda oo la musuq-maasuqo, ayaa waxaa haboon in mar waliba laga shaqeeyo wax waliba oo aad ku kasban karto taageero iyo Jaceyl Bulsho.

Taliyaha KMG ah ee Hay’adda NISA Janaraal Cabdulaahi Gaafow oo inbadan kusoo dhex noolaa howlaha ceynkaani ah, ayaa waxa uu la kulmi karaa dhibaatooyin kala duwan, waxaana kamid noqon kara niyad jab, faragalin shisheeye, shaqo ka gaabin iyo arrimo kale.

Haddaba waxa aan halkaani kusoo koobi doonaa ilaa iyo Sagaal qodob oo dhibaato iyo sumcad darro u horseedi karta Janaraal Cabdulaahi Gaafow waa haddii uusan ka weecan wixii dhib u keeni karo howshiisa waxaana kamid ah:-

1- Nin jecleysiga sida Taliyayaashii isaga ka horeeyay

2- Lunsashada xuquuqda Shaqaalaha iyo Ciidamada.

3- Baal-marka sharciga Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka.

4- Dayreel la’aanta Ciidamada Hay’adda NISA.

5- Musuqa oo uu caado ka dhigto waxa ay u horseedi kartaa wada shaqeyn la’aan uu kala kulmo Ciidamada geesiyayaash.

6- Shaqooyinka Hay’adda oo uu u dhiibo dad aan ehel iyo aqoonba u laheyn.

7- La xisaabtan la’aanta ciidamada oo fashil u horseedi karto shaqadiisa.

8- U danqasho la’aanta shaqaalaha iyo ciidamada oo hoos u dhigi karta wada shaqeynta kala dhexeysa ciidamada.

9- Saraakiisha iyo Ciidamada isku dhigeysa rasaasta oo aan mudnaan iyo xuquuq gaar ah la kala siin waxa ay soo dadajin kartaa fashil iyo habacsanaan ku imaada shaqada NISA.

Dhammaan qodobada kor ku xusan waxa ay Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka Janaraal Cabdulaahi Gaafow u horseedi kartaa Fashil, sidaa aawgeed waxaa mudnaan iyo sharaf leh in amaanada sida loogu tallo galay loo guto.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News