Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in dhabar jab ay noqoneyso haddii DFS ay haleeli weyso hanaanka loo igmaday in doorashada ay u dhacdo.
Madaxweynaha waxa uu tilmaamay in muddo farabadan ay ka shaqeynayeen sida lagu hirgalin lahaa doorasho xalaal ah, balse ay u muuqaneyso dhabar jab waa haddii lagu fashilmo wadooyinka loo qorsheeyay dhicida doorashada.
Waxa uu sheegay in ahmiyada koowaad ay tahay in la dajiyo qorshooyinka doorashada, kadibna loo gudo galo helida goob amaan ah oo ay ka dhacdo doorashada.
Madaxweynuhu waxa uu carab dhabay inay adag tahay in mar waliba la gaaro guul 100%, balse ay ku dadaali doonaan sida lagu gaari lahaa doorasho xalaal ah oo aan buuq iyo khilaaf ka dhalan.
Dhanka kale, waxa uu maamulada dalka iyo Beesha caalamkuba ugu baaqay inay dardar galiyaan dadaalkooda ku aadan helida jawi Siyaasadeed oo dega.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

