Guriga wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo gubanaya kadib…

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow nasoo gaaraya ayaa sheegaya in dab xoogan uu ka kacay hooyga uu Wasiirka Arrimaha Gudaha Somalia C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa kaasi oo ku yaalla nawaaxiga Villa Somalia.

Dabkaani ayaa la sheegay inuu yahay mid aad u xoogan kaasi oo marba marka xiga kusii faafaaya qeybaha kale ee guriga ayaan la ogeyn waxa sababay.

Guriga Wasiirka ayaa waxaa iminka ku qulqulaaya Gaadiid dabdamis dhowr ah kuwaasi oo isku dayaaya inay baqtiyaan dabka.

Waxaa aad loo adkeeyay amaanka Guriga Wasiirka waxa ayna Gaadiidka Gurmadka gurigaasi galayaan iyaga oo si adag loo baaray si halkaasi aysan uga dhicin falal amni darro.

Waxaa xiran dhammaan wadooyinka gala Guriga waxaana loo ogolyahay inay galaan keliya gaadiidka gurmadka.

Dadaalka lagu damin lahaa dabkaasi ayaa wali ka socda Guriga waxaana adag in xog sax ah laga helo khasaaraha ka dhashay guriga.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com