Sawirro: Shiinaha oo go’aan ka gaaray buundo dunida ka yaabisay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowlada Shiinaha ayaa shaacisay inay xirtay Buundo dhalo ah oo maalmo un yar ka hor laga dhisay dalka Shiinaha taasi oo noqotay mid ay usoo dalxiis tagaan dadka dalkaasi u dhashay.

Dowladu waxa ay sheegtay inay dayactir degdeg ah ku sameyneyso Buundada iyo dhammaan goobaha ku dhow dhow.

Afhayeen u hadlay dowlada Shiinaha ayaa sheegay in sababta loo xiray Buundada ay tahay kadib markii ay xad dhaaf noqdeen dadkii booqashada u tagaayay Buundada.

Afhayeenku waxa uu sheegay in iminka uusan jirin dhibaato ka dhalatay Buundada sida shil, balse ay suuragal tahay in dhibaato ay lasoo daristo, sidaa darteedna ay dowladu sameyn doonto dib u dayactir degdeg ah, si aan halkaasi dhib uga dhicin maadaama dadka usoo booqasho tagaaya aanu aheyn tirro ay xamili karto Buundada.

Dhismaha Buundadaani ayaa la sheegay inay ku baxday dhaqaale dhan 3.4 milyan oo dollar-ka Maraykanka ah, iyadoo sidoo kale isku xirta labo buurood oo ku yaala Zhangjiajie, oo ka tirsan gobolka Hunan.

Dhirir ahaan ayaa waxaa Buundadaani lagu sheegay inay tahay 430 mitir waxa ayna dhulka ka saraysaa 300 mitir, markii la furayna waxaa lagu sheegay in ay tahay buundada ugu dheer adduunka ee dhalo ka samaysan.
1

2

3

4