Dagaal dhimasho dhaliyey oo ka dhacay garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalkaani oo ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, ayaa u dhexeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada Somalia.

Dagaalkaani ayaa yimid kadib markii ciidamada NISA ee ka howlgala Nawaaxiga KM4 ay rasaas ooda kaga qaaden ciidamo kale oo ka tirsanaa Booliska kuwaasi oo doonaayay inay awood ku maraan wadada oo ay ka socdeen howlgalo lagu xaqiijinaayay amaanka.

Dagaalka oo muddo kooban socday ayaa waxa uu si gaara uga dhacay wadada aada Garoonka Aadan Cadde, meel bar ciidan ah oo garoonka laga ilaaliyo, waxaana la sheegayaa in dagaalkaasi uu ku dhintay Hal Askari oo ka tirsanaa ciidanka Booliska, halka sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray Laba kale.

Ciidamada NISA ee isku dayay inay joojiyaan gaarigaasi awooda adeegsanaayay ayaa ka shakiyay gaariga waxa ayna ku bilaabeen rasaas aan loo meel dayin.

Dadka goobjoogaal ah ayaa sheegay in dagaalkaani uu socday muddo ku dhow 30 daqiiqo.

Dagaalkaani ayaa imaanaya iyadoo dowlada Somalia, gaar ahaan Hay’adaha amaanka ay amaro ku bixiyeen in la adkeeyo amaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com