Netherland (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay magaalada Hague ee dalka Netherland lagu soo gabagabeeyay dhageysiga dacwada u dhaxeysa Somalia iyo Kenya ee ku aadan muranka Badda, ayaa waxaa arrintaasi ka hadlay Xeer Ilaaliyaha Qaranka Axmed Cali Daahir.
Axmed Daahir ayaa sheegay in heshiiskii is afgarad ee MoU ay saxiixday Xukuumadii Ra’isul wasaare Cumar Cabidirashiid sanadkii 2009 ay ku saxsanayd, arinkaasna ay mudan tahay in lagu amaano.
Xeer ilaaliyaha waxa uu sheegay in dhageysiga Dacwada ay Somalia iyo Kenya isla gaaren meelo fogfog, waxa uuna carab dhabay in dacwadu ay iminka kusoo idlaatay sidii ay Somalia u rabtay.
Xeer ilaaliyaha waxa uu sidoo kale, sheegay in Somalia iyo Kenya ay ku khasbanaayeen in siwada jir ah ay u gudbiyaan xuduudka qalfoofka ka hor 13 May 2009.
Xeer ilaaliyaha waxa uu tilmaamay in shuruudaha ay kamid aheyd in labada wadan mid waliba si goonidiisa ah uu u gudbisto dacwada, iyadoo aan lagu mashquulin dalka kale.
Nuqul kamid ah hadalka Axmed Cali Daahir ayaa ahaa ”Anigu shakhsi ahaan, Xeerilaaliye ahaan aniga oo aan cidna u eexaneyn qofna ka haybadeysaneyn, waxaan aaminsanahay in sharaf lagu siiyo xukuumadii saxiixdey, ujeedadii MoU maanta ayaa la qeexay, ma ahayn mid bad lagu gadanaayo, ama heshiis gaar ah lagu gelaayo waxay ahayd in qolof qaaradeedka labada dal gudbistaan oo labada dal is hor istaagin, haddii aan saxiixaas la gelin waxaan dhumin lahayn baddeena”
Dhinaca kale, Xeer ilaaliyaha ayaa amaanay sida ay dowladii hore cayaarta ula dheeshay dowlada Kenya, waxa uuna rajo wanaagsan ka muujiyay sida loo qaaday dacwada Badda Somalia.
Badda Somalia ee muranka intaani la eg uu ka dhashay ayaa waxaa qaababkii lagu iibgeynaayay isla waday R’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid oo xiligaasi hayay isla xilkaani iyo Wasiirkii hore ee Qorsjeynta xukuumadii KMG aheyd ee Somalia C/raxmaan C/shakuur, kuwaasi oo amaan ku muteystay iibinta Badda, iyadoo uu amaantaasi soo jeediyay Xeer ilaaliyaha Qaranka Somalia.
Caasimada Online
Xafiiska Netherland
[email protected]