Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay faragalin ay Odayaasha iyo Siyaasiyiinta qaar ku hayaan shaqooyinka Dowlada.
Madaxweyne Xassan Sheekh waxa uu sheegay in Xarumaha Dowlada ay qaseen Siyaasiyiin iyo Odayaal dhaqmeed kuwaasi oo garab u ah dhalinyaro ku socta hab qabiil, waxa uuna sheegay in talaabada noocaasi ah uu khasay Jadwalka xarumaha.
Waxa uu sheegay in mararka qaar ay dhacdo in dhalinyaro ay wataan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha Liiska shaqaalaha cusub looga saaro dhalinyaro kale, waxa uuna talaabada noocaasi ah ku sheegay mid jahwareer farabadan u keentay Qaranka.
Xassan Sheekh waxa uu sheegay inay jiraan cabashooyin farabadan oo ay usoo jeediyeen dhalinyaro kala duwan kuwaasi oo laga saaro Liiska Shaqaalanimada Dowlada, iyadoo ay sababtu tahay isdabamarinta oo aan waxba loo arag.
Xassan waxa uu tilmaamay inay aad uga xun yihiin in Siyaasiyiinta iyo Odayaasha qaar ay dalbadaan in Liiska lagu ciriiriyo haddii aysan jirin shaqaale la qaadanaayo, waxaana xiliyada qaar dhacda in shaqaalihii hore oo aan wali loo bilaabin Mushaarka uu ka horqaato kan mar dhow la diiwaan galshay.
”Ma aqbaleyno in la kala fadilo dhalinyarada waxaan ka digayaa in caado laga dhigo in leysku bedelo shaqaalaha diiwaan gishan iyo kuwa aan diiwaan gishneyn”
Madaxweyne Xassan waxa uu rajo xumi ka muujiyay qaabka ay u dhaqmayaan Siyaasiyiinta iyo Odayaasha qaar waxa uuna ballanqaaday in mudada u harsan uu la dagaalami doono kuwa dhaqanka u yeeshay arrimahaasi oo kale.
Haddalka Madaxweyne Xassan ayaa imaanaya iyadoo Wasiirada iyo Agaasimayaasha Wasaaradaha ay dhaqan u yeeshen in shaqo waliba ay ku leexiyaan dhalinyarada reerkooda ah iyadoo ka amar qaadanaaya Siyaasiyiinta iyo Odayaasha ku heebta ah.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

