Xog: Dallaalnimada safiirka Imaaradka iyo damaca Kenya iyo kuwii badda dallaalay

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Waxaa ku soo gabagaboobay Magaaladda Abu Dhabi ee dalka imaaraadka Shir lagu kala gadanayo badda Somaliya mar kale, kadiba markii ay Kenya iyo xulafadeeda Imaaraadka ku guuldareysteen soo bandhigidii dacwad badeedka u dhaxeysay Somaliya iyo Kenya ee September kana dhacday Hague. Shirkaas shirqoolka ah waxaa Dallaal ka ah Safiirka Muqdisho, Somaliya u jooga Dalka isutagga Imaaradka Carabta waxaana dagaal xoog leh loogu jiraa in mar kale khalkhal la geliyo lahaanshaha badda Badda Somaliya. Shirka waxaa ka qeybgalaya Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada oo loo ballanqaaday in la siinayo lagac fara badan haddey qarsodi saxexaan heshiis dib loogu iibinayo badda Somaliya ama ay fududeeyaan.

Haddaba side ku dhici kartaa in Madax goboleedyada oo qaarkood, sida Axmed Madoobe, u muuqday inuu yahay nin ay wax xoogaa waddaniyad ahi ku hartay marka idaacadaha gudaha la hadlayo inuu la mid noqdo rag lagu yaqaanno inay ka macashaan dhibaatada Somalida. Waxaa kaloo shirka yimid wafdi lawyarro iyo ganacsato isugu jira oo lacag fara bandanna wata ah oo ka socda dawladda Kenya, Shirakadda Baarista batroolka ENI ee diidan inay dhulkaas Somali leedahay, kadib markii ay ka baxeen shirkadihii kale iyo dawladda imaaraadka oo saami xoog leh aan wali la shaacin ku leh shirkadda ENI. Bal aynu guda gallo shirka marka hore. Waxaa tagay: Axmed Madoobe, Cabdiweli Cali Gaas, Shariif Xasan, Cabdikarim Xuseen Guuled, iyo Cali Cabdulahi Cosoble. Raggaan waxaa loo ballanqaaday lacag dhan malaayiin mid waliba haddii ay fuliyaan waxa laga rabo oo ah inay fududeeyaan sidii Kenya loogu saxeexilahaa si kama dambeys ah badda Somaliya iyagoo raacaya laba waddo midood:
A) Inay soo xulan xildhibaanno ka amar qaata dawladaha imaaradka iyo Kenya, lagana reebo liiska xildhibaanadda wadanimadooda adag tahay oo aan la laaluushi Karin.
Haddii taa la waayo maadaama Xildhibaanada iyo shacabka Somaliyeed la ogyahay inay adag tahay inay si wadar ah dalkooda u iibsadaan oo gobanimada ka xiga waxkasta.
B) Inay keenaan madax dhuuni qatayaal hore sida Cumar Cabdurashiid, Cabduraxman Cabdishakuur iyo Shaiikh Shariif oo maamulka dalka gacanta loo geliyo, maadaama ay hawsha nus u ahayd si ay u dhameystiraan ka hor inta aan maxkamadda caalamiga ah go’aan ka gaarin arrrintaan.

Waxaa tusaale cad kuu ah bal fiiriya sida ay u soo sharraxeen cidda ay la tahay in dalka loo dhiibo markii ay weydiiyeen Imaaradka iyo Kenya . Axmed Madoobe iyo Cabdiweli Cali Gas iyagoon xishoon ayey isla soo taageen Cumar Cabdurashiid ha loo dhiibo waa waddani qiimo badan. Cabdkariim Guuleed isagoo dhameystiraya hawsha inta ka dhiman waxaa uu miiska soo saaray Cabdiraxman Cabdishakuur oo uu yiri ama waa in madaxweyne laga dhigaa haddii Cumar la siiyo madaxweyninamada waa in R/Wasaare laga dhigaa, maadaama uu yahay nin ay Cumar Cabdirashiid isla shaqeyn karaan. Shariif Xasan oo ah qof xariif ah waxaa uu yiri aniga ayaa is sharraxaya, laakiin hadhow waxaa uu yaqaannaa dhinaca ay dabeyshu ka jirto. Cali Cabdullahi Cosoble oo laga yaabo inay waddaniyad ku dhaxal ahi ku soo duxday qofna ma uu magacaabin, balsa afka ayaa kala tagay ayaa la yiri.

sharif

Isku soo duub, waxaa ayaandarro ah in wali aynaan kala baran cadowgeenna iyo gacalkeenna. Dalka Imaaraadka Carabta waxaan u haysannay inay yihiin walalaheen dhibaatada na haysata nagala gubanaya ee marna kumaan fekerin inay naga adeeganayaan. Safiirka Imaaraadka u fadhiya Somaliya oo isaga inta badan arintaan si fiican uga shaqeeyey ayaa ka ahaa dallaal mashruucan badda ee Somaliya ee ay gacanta ku hayso saliid ka qodideeda shirkadda ENI ee deggan Magaalada Dubai daarta weyn ee Jumairiah Lake Tower. Dhinaca kale imaaraadka waxay wadaan inay saldhigyo ka sameystaan Puntland oo ay ku iibsadaan lacago badan oo ay siinayaa Gaas iyo kooxdiisa.

Miskiin toban iyo laba garuun ayaa loo haystaa, laakiin ogaada masaar geed ma gooyso ee geed kalaa ku gooya.

Caasimada Online
Xafiiska Dubai
caasimada@live.com