Muqdisho (Caasimada Online) – War cadeyn ah oo Caasimada Online ay heshay ayaa waxaa lagu soo jeediyay digniin ilaa amar dambe ah gudiga doorashada dadban ee kusugan deegaanada Puntland.
Warqadan oo ku socotay gudiga doorashooyinka dadban iyo gudiga xalinta khilaafaadka doorashada ayaa waxaa lagu sheegay in beelaha qaar laga reebay doorashada iney wakiilo ku yeeshay.
Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in afar beel oo degta deegaanada Puntland ay bateen cabashooyinka ay qabaan, sidaasi daraadeedna aan la siin karin kaararka aqoonsiga.
Sidoo kale wararka aan ka heleyno Baydhabo ayaa sheegaya in xubnaha gudiga doorashooyinka ee ku sugan magaalada Baydhabo lagu wargeliyay ineysan qaabilin shaqsiyaadka qaar oo magayadooda loo gudbiyay.


