Gaalkacyo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cusmaan Diiriye Kulane oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa soo bandhigay Musuq-maasuq dhaqaale oo uu ku kacay Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas.
Xildhibaan Cusmaan ayaa sheegay in Madaxweynaha Maamulka uu si cad u diiday in Su’aal laga weydiiyo dhaqaale farabadan oo la musuq-maasuqay.
Xildhibaan Cusmaan waxa uu cadeeyay In C/wali Gaas uu lunsaday dhaqaale dhan 7,750,000 dollar oo qeyb ka aheyd 20 Milyan oo mar sii horeysay lasiiyay Maamulada Galmudug, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.
Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh ayuu ka dalbaday inuu cadeeyo in lacagtaasi ay bixisay dowladiisa maadaama C/wali Gaas uu diiday Su’aal laga weydiiyay lunsashada Lacagta kor ku xusan.
C/wali Gaas ayuu sheegay inuu beeniyay lacagtaasi waxa uuna Xildhibaanka cadeeyay in lacagtaasi markeeda hore laga Keenay Dalka Sacuudiga.
“C/wali Gaas waxa uu dhulka lagalay dhaqaalihii dalka waxaan dooneynaa inuu cadeyn u keeno Lacagta la musuqay”
Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ayuu sheegay inaysan ka aamusi doonin Musuqa uu caadeystay C/wali Gaas.
Haddalka Xildhibaan Cusmaan ayaa imaanaya iyadoo Madaxweynaha Maamulka uu xili hore ka biya diiday in lacagtaasi wax laga weydiiyo.
Caasimada Online
Xafiiska Gaalkacyo

