30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 27, 2026

Musharax Xildhibaan oo laga mamnuucay doorashada kadib markii rasaas….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online)-Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban ayaa sheegay inay Xil-doone weerar geystay ka qaadeen Tallaabooyin Sharciyeed, isla markaana laga xayuubiyey inuu Xildhibaanimo ugu tartamo Doorashadda sannadkan 2016-ka.

War-saxaafadeed ay Guddigaas soo saareen oo loo cuskaday Anshaxa Musharixiinta.ayaan lagu xusin magaca Musharaxa geystay Weerarkaasi.

Dhowr maalmood ka hor, Maleeshiyo kala taabacsan 2 Musharax  Xildhibaan oo lagu kala magacaabo Bashiir Maxamed Aadan “Xabashow” iyo Musharax Raabico Sheekh Nuurow ayaa isku rasaaseeyey magaalladda Baydhabo.

Ilaa Afar qof ayaa ku geeriyootay Iska hor-imaadkaasi, iyadoo ay tiro kalena ku dhaawacmeen.

Dhinaca kale, Guddiga Federalka ee Hirgelinta Doorashooyinka Dadban waxay ka digayaan dhammaan tallaabo walba oo culeys iyo carqaladeyn ku keeni karta ama cagajugleyn loogu geysanayo ergooyinka doorashooyinka, musharraxiinta, oday dhaqameedyada iyo howlwadeennada loo xil saaray hirgelinta iyo xallinta khilaafaadka doorashooyinka dadban 2016ka.

Sidoo kale sida ku cad war murtiyeedkii uu Guddigu soo saaray 23/10/2016 ee looga digayay arrimaha dhaawici kara daahfurnaanta doorashooyink.

Ugu dambeyn Guddigu waxay u mahad celiyeen   dhamaan shacabka Soomaaliyeed, Dowladda Federalka Somalia, iyo Dowlad Goboleedyada taageerada ay la  garab taagan yihiin doorashooyinkan taariikhiga ah ee 2016-ka.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News