Muqdisho (Caasimada Onlin)-War goordhow soo gaaray Caasimada Online, ayaa sheegaya in Heshiis hordhac ah ay wada gaaren Madaxweyneyaasha Puntland iyo Galmudug.
Heshiiska hordhaca ah ee labada Mas’uul ayaa ka dhacay dalka Imaaraadka Carab halkaasi oo labaduba ay kuwada sugan yihiin.
Madasha labada mas’uul lagu Heshiisiinaayay ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynayaasha Jubbaland Axmed Madoobe, Koonfur Galbeed Shariif Xassan, Madaxweynaha Hirshabelle Cosoble iyo Dowlada Imaaraadka Carabta.
C/kariin Xuseen Gulleed iyo C/wali Gaas ayaa wada gaaray in Heshiis ah in si KMG ah loo joojiyo Dagaalada ka taagan Magaalada Gaalkacyo ee u dhexeeya labada maamul.
Waxa ay sidoo kale isla soo qaaden in Heshiis Rasmi ah laga gaaro Xabad joojinta kaasi oo shaqeyn doona inta labada Maamul ay hosha iyo derisnimada ka dhexeyso.
Labada Mas’uul waxa ay sidoo kale isla fahmeen in Shir gaara oo lagu qaboojinaayo Colaada lagu qabto Magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.
Madaxweyne Gaas iyo Guleed waxa ay si wada jir ah usoo dhaweeyen in lagu dhaqmo Heshiiska hordhaca waxa ayna sidoo kale ogolaaden in Heshiiskooda weyn ee qodobada lagu kala saxiixan doono uu ka dhaco Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale, Dowlada Imaaraadka ayaa soo dhaweysay isu soo dhawaanshiyaha labada Mas’uul ee lagu xalinaayo Dagaalada ka taagan magaalada Gaalkacyo.
Dhinaca kale, Dowlada Imaaraadka Carabta waxa ay sidoo kale DFS ugu baaqday in ay dhameystirto Heshiisiinta labada Maamul, waxa ayna Imaaraadka dhankeeda ka ballanqaaday inay garab ka geysan doonto xal u helida Colaada labada maamul.
Caasimada Onlin
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

