Cadaado (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray deegaanka Gudinlane ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in halkaasi lagu weeraray Wasiirkii hore ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Ahna Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somalia C/samad Macalin Maxamuud.
Xildhibaan C/samad Macalin ayaa xiliga la weeraraayay kasoo dhaqaajiyay Magaalada Dhuusamareeb waxa uuna kusii Jeeday Magaalada Cadaado.
Xildhibaan C/samad ayaa waxaa wehlinaayay Odayaal dhaqmeed dhowr ah kuwaasi oo Xildhibaanka u waday ololaha kamid noqoshada Baarlamaanka Cusub ee Somalia.
Xildhibaan C/samad ayaa waxaa ololo kula jira dhowr Musharaxiin waxaana shaki la galiyay in weerarkaasi uu yahay mid si lama filaan ah u dhacay.
Shakiga ugu weyn ayaa ah in Xildhibaanka la doonaayay in laga disho booska.
Ma cadda khasaaraha ka dhashay weerarka inkastoo Warar aan la xaqiijin ay sheegayaan in weerarka uu ka dhashay khasaaro la qarinaayo.
Caasimada Online
Xafiiska Cadaado

