Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa markii seddexaad laga baqayaa in dib u dhac uu ku yimaado doorashada sanadkaan la qorsheynayo iney ka dhacdo dalka Soomaaliya, maadaama labo jeer horey ay usoo baaqatay.
Gudiga doorashooyinka dadban ee heer federal ayaa horey u shaaciyay in maalinta ugu dambeyso bishaan ay dhaceyso doorashada madaxweynaha Soomaaliya, balse waxaa muuqata in doorashada ay markale dib u dhici karto.
Gudiga waxay ka fakaraan maalmaha kooban ee ka harsan muddada loo qabtay iney ku dhacdaa doorashada xubnaha aqalka Hoose ka mid noqonaya, waxaana haddii ay dib u dhacdaa taasi ay sababi kartaa jadwal kale oo gudiga ay soo saaraan.
Maxamed Keynaan oo ah afhayeenka gudiga doorashooyinka ayaa ka codsaday in la dadajiyo doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka, si la isku waafajiyo doorashooyinka iyo jadwalkii horey loo sameeyay.
Afar maamul goboleed ayaanan wali dhameynin sharuudaha ergada, xildhibaanada musharixiinta iyo sharuudaha laga doonayo dadka musharixiinta ah, waxaana kamid ah Galmudug, HirShabeele, Jubbaland iyo koofur Galbeed.
Caqabadaha ku hor-gudban hirgelinta doorashooyinka ayaa suura gal ka dhigaya dib u dhacyo kale oo ku yimaada waqtigii la filayay inay ku dhacaan doorashooyinka sanadkan 2016, waxaana laga cabsi qabaa in sanadka 2017 ay u dhacdo, maadaama ay qabyo yihiin waxyaabihii la rabay in la qabto ka hor doorashada Madaxweynaha.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

