Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in deegaano ka tirsan Gobolka lagu xasuuqay dad shibil ah.
Dadkaasi la xasuuqay ayaa lasoo warinayaa in la dulmariyay gaadiidka Dagaalka Ethiopia, waxaana halkaasi ku dhintay Hooyo iyo Carruurteeda oo laba ah.
Ciidamada Ethiopia ayaa falkaasi ka geystay Deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud, waxaana dadka uu dhaawaca soo gaaray kamid ahaa Aabaha qoyskaasi iyo canug kale oo uu dhalay.
Ciidamada Ethiopia ayaa falkaasi kadib ka dhaqaaqay goobta waxa ayna diideen in halkaasi ay ka qaadan dhaawaca iyo meydadka qoyskaasi.
Maamulka Degmada Ceel-buur ayaa dhankooda ka xaqiijiyay in Ciidamada Ethiopia ay qoyskaasi xasuuqen, waxa uuna maamulka sheegay in Ethiopia ay inkirtay arrintaasi.
Ciidamada Ethiopia ayaa falal fool-xun ka geysta Deegaanada ay weli kaga sugan yihiin Gobolada dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho

