32.9 C
Mogadishu
Saturday, May 2, 2026

DEG DEG Qarax aad u xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)-Qarax aad u xoogan ayaa waxa uu goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimada Somalia.

Qaraxa oo ah mid aad u xoogan ayaa waxaa dhawaqiisa laga maqlay inta badan Degmooyinka Gobolka Banaadir, kaasi oo la sheegay in lagu soo xiray gaari nooca raaxada ah.

Qaraxa ayaa lasoo warinayaa in lagu soo xiray gaari uu lahaa Askari ka tirsan Safaarada Imaaraadka Carabta.

Qaraxa ayaa ka dhacay Isgooyska Maana-boolya Degmada Shibis ee Gobolka Banaadir.

Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay Hal ruux, waxaana sidoo kale la sheegay inay ku dhaawacmeen ilaa Seddex ruux oo uu ku jiro Askarigii watay gaariga Qarxay.

Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta Qaraxa oo halkaasi ka qaaday meydka ruuxa dhintay iyo dhaawacyada Seddexda ruux ee uu dhaawaca soo gaaray.

Ciidamada ayaa sidoo kale halkaasi kawada baaritaano lagu xaqiijinaayo Qaraxa.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News