30.9 C
Mogadishu
Wednesday, May 13, 2026

Sawirro: Somalia oo waddo u noqotay hubka u kala goosha Iran iyo Yemen

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Conflict Armament Research ayaa shaaca ka qaaday in Dowlada Iran ay Hubka sharci darada ah dalka Yemen ka galiso dhanka Xeebaha Somalia.

Baaritaan ay Hay’adda sameysay ayaa waxaa lagu sheegay in Dowlada Iran ay Somalia ka sameysatay waddooyin ay Hubka sharci darada ah u mariso Xuutiyiinta Yemen.

Hubka ay Dowlada Iran u daabusho Xuutiyiinta Yemen ee la mariyo Somalia, ayaa waxaa ku jira Hubka sida ba’an wax loogu gumaado.

Maraakiibta ku sugan xeebaha Somalia ayaa goorsii horeysay gacanta ku dhigay doonyo Hub u siday dalka Yemen kuwaasi laga soo raray dalka Iran.

Maraakiibta ku howlan la socodka Hubka ku qulqulaaya dalka Yemen ayaa muddooyinkii danbe ku guleystey in ay gacanta ku dhigaan doonyo sida hub noocyadiisa kala duwan.

Hubka ugu badan oo ay qabteen Maraakiibtaasi ayaa waxaa kamid ah gantaalada lidka diyaaradaha ee Ruushku sameeyo.

Doonyaha Hubka sida ee mariinka ka dhigta Somalia ayaa waxaa intooda badan la sheegay in loo muuqal ekeysiiyo Doonyaha Ganacsiga.

Markab dagaal oo laga leeyahay dalka Australia ayaa Bishii Feberaayo ganacnta ku dhigey doon sidey 2,000 Ak47 oo lagu sameeyey dalka IRAN sida ay sheegtay CAR.

Hubka ay qabteen ciidamada la socday Markabka laga leeyahay dalka Australia, ayaa waxaa kamid ahaa qoryaha shiishka dheer loo isticmaalo oo gaaraya 64 noocooduna yahay Hoshdar-M Iranian.

Sidoo kale, markab laga lee yahay dalka Maraykanka ayaa isla Bishii Marso gacanta ku dhigay doon siday gantaalada culus ee lagu sameeyo dalalka Russia iyo Kuuriyada Waqooyi kuwaas oo la aaminsan yahay in loo wadey Yemen.

Dalka Yemen ayaa waxaa ka socda Dagaal muddo dheeraday kaasi oo u dhexeeya Dowlada Yemen, Xuutiyiinta iyo Dowladaha isbaheysiga uu Sucuudiga Hogaaminaayo kuwaasi oo garab boodaya Dowlada Yemen.

hub-10hub-1 hub-2 hub-3 hub-4 hub-5 hub-6 hub-7 hub-8 hub-9hub-11 hub-12 hub-13 hub-14 hub-15 hub-16 hub-17 hub-18 hub-19

- Advertisement -

Read more

Local News