Muqdisho (Caasimada Online) – C/raxmaan CabdiShakuur Warsame oo ahaa musharax madaxweyne la tartamay Farmaajo ayaa soo bandhigay caqabado loo baahan yahay in dowladda Farmaajo ay ka gudubto.
Qoraal uu soo dhigay bartisa Facebook ayuu ku sheegay inay jiraan shan caqabad oo dowladda Farmaajo dhibaateyn kara haddii aysan waxba ka qaban.
Waxayna kala yihiin :-
1- Xoogag xididaystay oo danaysi ku dhisan kuwaasoo dowlada ka awood badan. Waa xoogag dhinac dhaqaale, amni iyo samafal intaba leh.
2- Dalka oo ku jira xaalad la gudoomin oo ay tahay in is ogol wax lagu wado taladuna ay ka dhaxayso Dawlada Federaalka ah, Dawlad goboleedyada, dawladaha deriska dhow iyo kan durugsan iyo Beesha Caalamka. Hadii la soo koobo waa Soomaali is haysa iyo ajnabi ciidan iyo dhaqaale bixiya.
3- Kayd dhaqaalle oon jirin , khasnad maran iyo dakhli kooban. Musuqmaasuq baahay oo saameeyey dhamaan hay’adaha Dawlada, iyo madax macalin ku noqotay sida loo indho sarcaadiyo madaxda cusub loona muujiyo wax qabad looga gaashaanto la xisaabtan dhab ah .
4- Loolan adag oo u dhexeeya deriska dhow iyo kan durugsan oo ku aadan saamayn ku yeelashada Soomaaliya iyo xaqiijinta danaha amniga dalalkooda.
5- Fursad siin la’aanta madaxda, iyadoo ay cid walba ku hanjabayso in ay tabartooda tusayaan hadii ay tooda meelmarin. Ma jirto cid tiisa la qaban karo Hadii aan tan guud la qaban.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]