Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in go’aan kama danbeys ah uu ka gaaro Taliyayaasha Hay’adaha amaanka Somalia.
ilo ku dho dhow Madaxweynaha ayaa sheegay in Farmaajo uu qaadi doono talaabo lidi ku ah Taliyayaasha Hay’adaha amaanka waxaana la xaqiijiyay in dhammaantooda uu ku bedeli doono.
Waxa uu ila wareedka intaa ku daray in Madaxweynaha uu dib usoo celin doono Khubaro dhanka amaanka oo horay ula soo shaqeeyay dowladii Dhexe ee Somalia.
Qorshaha Farmaajo ee ku aadan Isbedelka Taliyayaasha ayaa la sheegay inay ku hormari doonaan Taliyaha Booliska iyo NISA oo la rumeysan yahay in lagala xaajoonaayo amniga magaalada Muqdisho.
Khubarada dhanka amaanka ee loo kala dhiibi doono xilalkaasi ayaa la sheegay inay kasoo kala jeedan Beelaha Daarood iyo Hawiye, waxa uuna qorshuhu yahay in isbedelkaasi uu dhaco magacaabida Golaha Wasiirada kadib.
Madaxweynaha Somalia Maxamed C/llahi Farmaajo ayaa horay u sheegay inaysan wada shaqeyn doonin Taliyayaasha Hay’adaha amaanka waa haddii aan wax laga bedelin amni darida ka taagan magaalada Muqdisho.
Magaalada Muqdisho ayaa marti galineysa Qaraxyo iyo dilal joogta ah, oo loo geysanaayo Madaxda, Saraakiisha, Ciidamada, Odayaasha iyo Shacabka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho