Jowhar (Caasimada Online)-Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Somalia C/laahi Gaafow Maxamuud, ayaa guddiga Abaaraha ku wareejiyay deeq isugu jirta Raashiin, Dawo iyo dhaqaale.
Taliyaha ayaa deeqdaani ku wareejiyay Guddiga gurmadka Abaaraha, waxa uuna Gaafow dhaqaalahaasi bixiyay xili Shaqaalaha iyo Ciidamada NISA ay yihiin kuwo aan qaadan wax xuquuq ah, sida laga soo xigtay Ciidamo ka tirsan NISA.
Taliyaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Somalia C/laahi Gaafow, ayaa sheegay in deeqdaasi ay tahay mid ay Hay’adu ugu tallo gashay dadka ay soo riteen abaaraha, waxa uuna intaa ku daray in deeqda ay intaa kasii badan doonto.
Gaafow ayaa sheegay in ay jiraan Ciidamo kale oo ka tirsan NISA kuwaa oo deeq ka bixiyay dhowr xero qaxooti.
Shaqaalaha iyo Ciidamada NISA ayaan qaadan wax xuquuq ah, waxaana la sheegayaa in qaar kamid ah 4tii bilba hal mar lasiiyo xuquuq.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ka dhaca falal amni darro, waxaana la rumeysan yahay inay sabab u tahay Ciidamada Qaranka oo aan lasiin xuquuqdii ay ku lahaayen DFS.
Caasimada Online
Xafiiska Jowhar
[email protected]