26.6 C
Mogadishu
Saturday, May 23, 2026

Maxay beesha Hubeer ka tiri in qaab beeleed loo xalinayo kiiska dilkii wasiir Cabaas Siraaji?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Beesha Habargidir oo ah beesha uu kasoo jeedo Hanti dhowraha qaranka oo ay ilaaladiisa rasaas ku dileen wasiirkii Holwaha guud Cabaas Cabdullaahi Siraaji ayaa maalmihii dambe waday dadaalo ay ku dooneysay in kiiskaan loo xaliyo qaab beeleed iyo xeer jajab.

Markii ay dadaalkaas bilaabeen ayaa waxaa soo baxay warar sheegayo inay labada beel ku heshiiyeen in kiiskaan loo xaliyo qaab beeleed, haddaba waxaa arrintas ka hadashay Beesha Hubeer oo ah Beesha uu kasoo jeeday wasiirkii geeriyooday Cabaas Allah u naxariistee.

Beeshaan oo war saxaafadeed soo saartay ayaa ka dhawaajisay inaysan marnaba wada xaajood ka geli doonin dilka wasiirka, maadaama ay socdaan baaritaano iyo dadaalo dowli ah oo ay waddo dowladda Soomaaliya, iyadoo sheegtay inaan loo baahneyn inay arrintaan soo farageliyaan labada beelood loona dhaafo dowladda Soomaaliya.

Falanqeyn iyo dood badan kadib Beesha Hubeer ayaa soo saartay qodobada soo socdo:

1) Waxay Beesha Hubeer dowladda Soomaaliya uga mahadcelineysaa dadaalka ay ku bixisay kiiska dilka Wasiir Cabaas iyo tallaabooyinka ay qaaday.

2) Beesha Hubeer wax wada xaajood ah kama geli doonto dilka Wasiir Cabaas, maadaama ay socdaan baaritaano dowli ah.

Ugu dambeyntii Beesha Hubeer ayaa sheegtay inay sugeysa natiijada kasoo baxdo baaritaanada ay waddo dowladda dhexe isla markaasna ay tahay arrintaan mid u taal dowladda Soomaaliya.

war saxaafadeedka kasoo baxay Beesh Hubeer ayaa niyad jab weyn ku noqon doono Beesha Habagidir oo waday howlo ku aadan in arrinta lagu xaliyo qab qabiileed.

Wararka cayaaraha kala soco WWW.GOOL.NET 

- Advertisement -

Read more

Local News