Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa dowladda Soomaaliya iyo qaar ka tirsan beelaha Hawiye ka dhex taagan xiisad ku aadan kiisaska Hanti dhowraha qaranka iyo xil ka qaadistii lagu sameeyey Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta Bahlaawi.
Kiiska sida weyn xiisadda u dhaliyey ayaa ah midka xilka looga qaaday Hanti dhowraha qaranka oo ilaaladiisa ay dileen wasiirkii howlaha guud ee dowladda Soomaaliya Cabaas Cabdullaahi Siraajo, waxaana sidoo kalana Hanti dhowraha lagu tilmaamay inuu yahay shaqsi aan ku habooneyn inuu xilkaas sii hayo, ayna jiraan dhibaato uu ku hayey Madaxda dowladda.
Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya iyo golaha wasiirada ay ku saxan yihiin inay xilka ka qaadaan Hanti dhowraha qaranka oo ay dacwd kasoo gudbiyeen 40 kamid ah shaqaalaha xafiiskiisa intii ay jirtay dowladdii Xasan Shiikh Maxamuud, isla markaasna isku arkay inuu yahay shaqsiga madaxweynaha ka ah Soomaaliya, haddana waxaa arrintaas ka dhalatay xoogaa caadifad ah oo ka timaaday Beesha Habargidir oo xildhibaanadooda iyo odayaashooda shalay shir ku qaateen Hotel Sahafi kaasoo looga hadlayey sidii laga yeeli lahaa culeyska beesha uga imaaday dowladda dhexe.
Dadka la socdo xaaladda Siyaasadda Soomaaliya ayaa qabo inuu Madaxweynaha Soomaaliya dajiyo xiisadda taagan isla markaasna uu kulamo la qaato xildhibanada iyo odayaasha beelaha Hawiye guud ahaan, gaar ahaan Gabargidir si loo xaliyo arrintaas, maadaama ay culeys ku noqotay shaqadii dowladda.
Madaxweynaha oo ah shaqsiga ugu tunka weyn dowladda Soomaaliya ayaa ah mid la fiirsanayo waxaana fiican inuu noqdo tusaale wanaagsan oo ay ku daydaan madaxda inteeda kale isla markaasna kiisaska taagan uu ku xaliyo qaab nabadeed iyo wadahadal.
Farmaajo ayaa waxaa hor taalo culeys weyn oo kaga imaanayo beesha uu Hanti dhowraha kasoo jeedo iyo beesha uu kasoo jeedo Wasiirkii la dilay, waxaana looga baahan yahay Madaxweynaha inuu qaato go’aan cadaalad ah isla markaasna ku dhisin wadahadal iyo is qancin.
Kiiskaan ayaa noqonayaa midkii ugu weynaa ee soo wajahay dowladda Soomaaliya oo ay hormuud u yihiin Farmaajo iyo Kheyre, waxaana la arki doonaa qabka ay uga gudbaan caqabadaan soo wajahday tan iyo xilligii la dhisay dowladda cusub.

