Weerar ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Kismaayo & Khasaaro ka dhashay

Muqdisho (Caasimada Online)-Weerar ismiidaamin ah ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Weerarka ismiidaaminta ah ayaa la sheegay inuu ka dhacay xerada Koongo ee Magaaladaasi.

Weerarka ayaa lala damacsanaa ku dhawaad 12 ruux oo isugu jira mas’uuliyiin, Saraakiil, Gudoomiyayaal ku sugnaa goobta uu naftii haliga isku Qarxiyay.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka Jubbaland ayaa sheegay in Qaraxa uu ku dhintay keliya ninka ismiidaamiyaha, kaasi oo xirnaa Jaakad waxyaabaha Qarxa lagu soo xiray.

Qaraxa waxaa ku dhaawacantay 2 qof, kuwaasi oo loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada ku yaalla Magaalada Kismaayo, si xaaladooda caafimaad loogu dabiibo.

Sargaalkaani ayaa sidoo kale sheegay in naftii haligaha uu doonaayay inuu gudaha u galo Xerada oo aheyd goob lagu tababaro ciidamada khaaska Jubbaland, waxaana xiligaa ku sugnaa mas’uuliyiin.

Qaraxyada ka dhaca magaalada Kismaayo ayaa u badan kuwo ismiidamin ah, inkastoo uusan kheysan khasaaro badan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com