Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheerad ah ayaa waxa uu kasoo baxayaa Dacwadihii loo heystay Hanti Dhowrihii Guud ee Qaranka, Dr Nuur Faarax Jimcaale oo dhawaan lagu xiray Villa Somalia.
Wararku waxa ay sheegayaan in xal hoosaad laga gaaray dhammaan Dacwadihii loo heystay Hanti dhowraha xilka waayay, kadib markii ay arrintaasi xaliyeen Siyaasiyiinta Beeshiisa.
Dowlada Federaalka ayaa lagu qanciyay inay faraha kala baxdo kiisaska laga soo gudbay ee Hanti dhowrihii hore, isla markaana loo madax-baneeyo Beesha.
Dowlada ayaa waxaa sidoo kale lagu qanciyay in Hanti Dhowrihii xilka waayay Dr Nuur Faarax Jimcaale, uu ku qancaayo xil ka qaadista lagu sameeyay, iyadoo wixii arrintaasi kasoo baxa loo tiirin doono Beesha.
Siyaasiyiinta Beesha oo uu kamid yahay Yuusuf Indha Cadde ayaa kaalinta ugu badan ka qaatay xalinta xiisada Hanti dhowrihii Hore, waxa uuna dusha saartay in isaga wax laga weydiin doono wixii dhibaata ah oo ka imaada dhanka Hanti dhowrihii xilka waayay.
Sidoo kale, waxaa lasoo laabay Kiiskii ka dhashay dilka Wasiir Siraaji oo uu ka danbeeyay Askari ilaalo u ahaa Hanti dhowrihii xilka waayay, balse waxaa leysla gartay in cadaalada la horgeeyo Askariga falka geystay.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa soo ifbaxeysa in xal waara laga gaaray dhammaan caqabadihii ka dhashay dhanka dilka iyo Xariga Hanti dhowrihii xilka waayay.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

