Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Jabuuti ayaa heegan buuxa galisay ciidamadeeda kadib markii ciidamo taabacsan dowlada Eritrea ay soo buux dhaafiyeen xadka ay la wadaagan Jabuuti.
Dowlada Eritrea ayaa ciidamo kor u dhaafaya 2,500 geysay xadka ay la wadaagto Jabuuti, waxa ayna tani ka danbeysay ka gadaal markii halkaasi laga saaray ciidamada nabad ilaalinta ee wadanka Qadar oo dhowaan oo ka howlgalaayay xadka.
Dowlada Jabuuti ayaa durba walaac ka muujisay in ciidamada Eritrea ay gudaha usoo galaan dalkeeda, iyadoo ay ka faa’iideysanayaan xadka faaruqa ah.
Jabuuti ayaa sidoo kale xiratay deegaano ka fog halka ay ku sugan yihiin ciidamada Eritrea oo iyagu la sheegay inay doonayaan inay horay ugu sii siqaan xadka ay lawadaagan Jabuuti.
Maxamud Cali Yusuf oo ah Wasiirka Arrimaha Dibadda dowlada Jabuti ayaa sheegay in ciidamada dalka Jabuti la geliyay heegan si ay uga hortagaan dhaqdhaqaaqa ay wadaan kuwa dalka Eritrea.
Wasiirka waxa uu sheegay in ciidamada Eritrea ay hadda si buuxda u maamulayaan buuraha Dumeira iyo jasiirada Dumeira ayna tahay mid xadgudub ku ah qaraar uu ka soo saaray golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.
Wasaarada arrimaha dibadda Jabuuti ayaa sidoo kale cabasho u gudbisay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, si loola socdo daandaansiga ay wado dowlada Eritrea.
Xiisada ka dhex aloosan Dowladaha Jabuti iyo Eritrea ayaa bilaabatay sanadii 2008dii, kadib markii dowlada Ethiopia ay gudaha Jabuuti ka dhex duqeysay deegaano ay maamusho Eritrea, iyadoo wixii intaa ka danbeeyay uu go’ay xiriirka labada dal.
Sidoo kale, dowlada Jabuuti ayaa Qadar ku eedeeysay inay gabtay mas’uuliyadii ay dusha saaratay ee ahaa in la kala badbaadiyo labada dal.
Talaabada ay Qadar ciidamadeeda uga saartay xadka kala beyra labada wadan ayaa suuragalin karta inuu ka dhasho dagaal taariikhi ah oo dhexmara labada dal, waxa ayna arrintaani ka danbeysay kadib markii Eritrea ay xiriirka u jartay Qadar.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]