29.9 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Wasiirka amniga Kenya oo geeriyooday iyo baaritaan ku socda meydkiisa

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Nairobi (Caasimada Online) – Warbaahinta dalka Kenya ayaa Saaka qortay inuu geeriyooday wasiirkii amniga dalkaas Joseph Nkaissery.

Wasiirka ayaa la xaqiijiyay inuu ku geeriyooday Karen Hospital ee magaalada Nairobi, waxa uuna shalay ahaa mid caafimaad qabay oo ka qeybgalay isku soo bax ka dhacay fagaaraha Uhuro Park.

Waxaa goordhow Meydka Wasiirka la geeyay Lee Funeral Home, waxaana halkaa lagula sameyn doonaa baaritaano lagu xaqiijinaayo sababta geeridiisa.

Wasiirka Geeriyooday ayaa maalmahaani ka caban jiray xanuun dhanka wadnaha ah, waxa uuna habeenimadii xalay uu Isbitaalka u aaday baaritaan guud, waxaase xigay geeridiisa.

Uhurro Kenyatta Madaxweynaha dalkaas ayaa sheegay in Wasiirka uu ahaa mid uu ku ogaa caafimaad, balse markii uu maqlay geeridiisa uu aad uga naxay.

Wasiirkii amniga dalkaas Joseph Nkaissery, ayaa lagu wadaa in Aas Qaran loogu sameeyo magaalada Nairobi baaritaanka socda kadib, walow uu jiro shaki ku aadan geerida Wasiirka.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News