28.5 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Sawirro: Wararkii ugu dambeeyey shirka golaha amniga oo Kheyre uu shir guddoominayo

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa shir guddoonka shirka golaha amniga qaran ee ka socda Muqdisho kala wareegay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Shirka oo shalay dib u furmay ayaa waxaa horay u shir guddoominayay madaxweyne Farmaajo, hase ahaatee ka cudur daartay shalay, iyadoo lagu soo waramayo in qodobadii la isku haayay qaar la isla gartay qaarna kale ee dhimana maanta la isla gaaro heshiis.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in madaxweyne Farmaajo tan iyo xalay inuu kulamo gaar gaar ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada oo iyaga raba in awood ku yeeshaan masiirka dalka iyo dhismaha ciidamada 18 kun.

Qodobka la isku haaya ayaa ah cida maamuleysa dhismaha ciidamada isku dhafka ah ee 18 kun iyo qaabka lagu soo xulaayo.

Madaxda maamul goboleedyada ayaa doonaya in shirkaan lagu gaaro go’aan ah in ay awooda dalka iyo talooyinka wax ka maatalaan sida madashii hoggaanka qaran, oo awoodii baarlamaanka horay ula wareegay.

Waxaa la filayaa in war murtiyeed laga soo saaro maanta inkastoo ay suuragal tahay inay wax walba isbadalaan, hase ahaatee ay scoot diyaarinta war-murtiyeedkii shirka laga soo saari lahaa.

Beesha caalamka ayaa ka war sugeysa heshiiska kasoo baxa shirkaan, iyadoo beesha caalamka balan qaatay bixinta qarashaadka ku baxaaya dhismaha 18 kun ee ciidamada.

Ogeysiis

Si aad usoo degsato APP-ka cusub ee Caasimada Online, fadlan raac link-yada hoose.

Android: Haddii aad isticmaaleyso taleefonada ku shaqeeya Android, sida Samsung, HTC, LG iyo wixii la mid ah) fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa Google Plays tore-ka, kadiba degso app-ka.   HALKAN CLICK SII

iPhone: Sidoo kale, haddii aad isticmaaleyso iPhone, fadlan click sii, link-ga hoose, wuxuu ka geynayaa App store-ka, kadibna soo degso app-ka Caasimada Online. HALKAN CLICK SII

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News