25 C
Mogadishu
Monday, June 30, 2025

Wasiir shaaciyay in ay DF Somalia ku hungowday dadaalkii soo celinta 252

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Iyadoo dhawaan ay xukuumada Somalia shaacisay inay la wareegeyso furaha Soomaaliya ee 252, ayaa waxaa mar kale arrintaa ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Boostadda iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Eng. Cabdi Canshuur.

Wasiirka oo horay u sheegay inay la wareegayaan furaha 252, ayaa iminka shaaciyay inaysan awoodin la wareegida furaha.

Waxa uu Wasiir Canshuur sheegay in markii hore uu qabay rajo ku aadan la wareegida balse ay iminka u muuqato rajo xumi ku aadan helida furaha.

Wasiir Canshuur, waxa uu tilmaamay in Shirkaddo si gaar ah loo leeyahay ay gacanta ku hayaan furahaasi, isla markaana ay gadaal kaga dareen lambaro kale.

Waxa uu intaa raaciyay inay muhiim tahay in Xildhibaanada golaha Shacabka ay Ansixiyaan Hindise Sharciyeedka Isgaarsiinta si loo soo celiyo furaha Soomaaliya ee 252.

”Wasaarad ahaan waxaa nagu adkaatay inaan la wareegno furaha 252, waayo waxa jira lambaro gaara oo ku jira”

”Golaha baarlamaanka ayaa laga doonayaa inay la imaadan Hindise Sharciyeedka ku aadan Isgaarsiinta si loo soo celiyo furaha Somalia ee 252”

Dhinaca kale, Wasiirka ayaa ku baaqay in la ogaado ahmiyada ay dowlada u leedahay in la helo furaha 252.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News