25.6 C
Mogadishu
Friday, October 24, 2025

Sawirro: Dadkii lagu laayey Bariire oo la aasay iyo heshiis laga gaaray dilkooda (Aqri qodobada)

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho waxaa maanta lagudadkii shacabka ah ee lagu xasuuqay deegaanka Bariire, oo lagu aasayo qubuuraha Barakaat.

Boqolaal qof, oo ay ku jiraan wasiiro iyo xildhibaano ayaa isugu tagey qabuuraha Barakaat ooo dadkan lagu aasay.

Xog gaar ah oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in heshiis horudhac ah ay gaareen ehellada dadka la aasay iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Caaismada Online  u sheegay in heshiisyada la gaaray ay ka mid yihiin in dowladda ay si rasmi ah u qiratay in dadkaas ay ciidamadeeda dileen, islamarkaana ay yihiin dad shacab ah.

Waxaa sidoo kale dowladda ay sheegtay in baaritaanka hadda socdo uu yahay kaliya in la ogaado ciidanka dilka gaystay iyo sababta ay u gaysteen, balse aan la baarayn in dadka la dilay ay shacab ahaayeen iyo in kale.

Sida aan xogta ku helnay dowladda ayaa sidoo kale bixisay 135 kun oo dollar, oo ah lacagta lagu aasayo 10-ka qof ee la dilay.

Waxaa sidoo kale dowladda ay bixineysaa lacag 70 kun oo dollar ah qofkiiba, oo ah diyo, waxaana la sheegay in lacagtaas la dhiibi doono maalinta Isniinta, inkasta oo wararka qaar ay sheegayaan in saddex bil gudahood lagu bixin doono.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News