Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Ummada Soomaaliyeed Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kormeer ku tagay Xerada tababarka ciidamada ee Xero Agoon halkaasi oo casharo iyo tababar ay ku bixiso Imaaraadka Carabta.
Madaxweyne farmaajo ayaa kormeer ku sameynaya Qeybaha ay ka kooban tahay Xeraddaasi iyo sidoo kale tasiilaadka wax lagu baro ciidamada.
Amaanka goobta uu booqanayo madaxweynaha ayaa si weyn loo adkeeyay waxaana lagu arkayay ciidamo aad u fara badan.
Madaxweynaha ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxaa uu la kulmay Ciidamo Kumaandoos ah oo tababar u socdo, isagoo kula dar daarmay inay qaranka u shaqeeyaan, oo ay shacabka bad baadiyaan.
Wadooyinka Magaalada Muqdisho qaarkood ayaa maanta xiran, waxaana sababta lagu sheegay booqashadda Madaxweynaha ee Xeraddaas iyo sidoo kale Wasaaradda Gaanshaandhigga.
