27.7 C
Mogadishu
Tuesday, May 12, 2026

Deg deg: Madaxweynaha cusub ee Hirshabelle oo magacaabay guddoomiyaha Hiiraan

Bookmark
Bookmarked

Share

Jowhar (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Cusub ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa tallaabada ugu horeyso ee uu qaaday ka dhigay inuu magacaabo guddoomiyaha cusub ee Hirshabelle isagoo xilka ka qaaday midkii horey u hayey xilkaan oo isna dhawaan loo magacaabay.

Warar la helayo ayaa waxay sheegayaan in madaxweynaha cusub ee Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare uu mar kale xilka guddoomiyaha Hiiraan usoo magacaabay Cali Jeyte Cismaan oo xilkaas laga qaaday 10 June, markaas oo muran badan ka dhashay arrintaas.

Madaxweynaha ayaa xilka ka qaaday Cumar Aadan Ibraahim oo xilkaan loo magacaabay 10-kii June sanadkaan 2017, xiligaasi oo xilkaan laga qaaday guddoomiyaha hadda lagu soo celiyey.

Waa shaqadii ugu horreysay ee uu qabto madaxweynaha Hirshabelle Mudane Waare, waxaana tani ay imaaneysaa xilli horey xil ka qaadistii Jeyte loogu sameeyay uu muran xooggan ka dhashay.

Wixii ka dambeyay curashada maamulka Hirshabelle waxaa si aan kala fogeyn isbedallo loogu sameynayey maamulka gobolka Hiiraan.

- Advertisement -

Read more

Local News