Jowhar (Caasimadda Online) – Waxaa labadii maalin ee ugu dambeeyey Baraha Bulshada Soomaalida qabsaday sawirka nin lagu sheegay inuu yahay Nabigeena Muxumed Naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee, waxaana arrintaas ka hadlay Culumada Soomaaliyeed.
Sheekh Shibili oo kamid ah Culumada arrintaan ka hadashay ayaa sheegay inuu ninkaan sawirkiisa u eg yahay Jareer.
Haddaba dad badan oo kasoo jeedo Qoomiyadaan ayaa Sheekha ku eedeeyey inuu ku xadgudbay sumcadda iyo sharafta Qoomiyadaan.
Mid kamid ah Odayaasha saxaafadda la hadlay ayaa yiri: ” Anaga Sheekh Shibili, Sheek kuma tilmaami karnee nin qoomiyad dhan aflagaadeeyey, wuxuu yiri ninkaas waa nin fool xun oo Jareer ah, diinta halkee uga taalaa nin qoomiyad dhan la caayo oo lagu tilmaamo foolxumo?” ayuu yiri.
Mid kale ayaa yiri isna: ” Sheekh Shibili waa inuu Toobad keeno, sidee ayuu u duri karaa Qoomiyad dhan oo uu u dhihi karaa waa Gafuuro waaweyn, waa Foolxumo, Nabigeena NNKH wuu ka digay in nasabka la duro, sidaas darteed ma muxuu waayey wax kale oo tusaale usoo qaato marka uu leeyahay Jareer Gafuur weyn waaye”.