Nairobi (Caasimada Online) – Wararka ka imanaya dalka Mexico ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay dhul-gariir xooggan, oo cabbirkiisa lagu qiyaasay illaa 7.1 Magnitude. Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa ku soo waramaysa in dhimashadu ay haatan marayso illaa 134 qof.
Waxa uu dhul gariirku sababay burburka dhismayaal fara-badan, waxa uuna noqonayaa mid si weyn looga dareemay Magaalada Mexico City ee Xarunta Mexico.
Muuqaalo laga duubay dadka ku dhaqan Caasimadda Mexico City, ayaa muujinaaya in baqdin aawgeed ay u buux dhaafiyeen wadooyinka.
Kumanaan qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka kuwaas oo ay ka muuqatay cabsi xooggani, isla markaana malaayiin qof ayaa waayay korontadii.
Miguel Ángel Mancera Espinosa, oo ah Duqa Magaalada Mexico City, ayaa sheegay in burburka uu iminka maraayo 44 dhisme oo ku burburay dhulgariirka, sidoo kalena ay dilaaceen qaar ka mid ah dhuumaha shidaalka qaada.
Xoghayaha Arrimaha Gudaha ayaa u sheegay telefiishan gudaha dalkaas laga leeyahay in kooxaha gurmadku ay ka shaqaynayaan sidii ay dad nool uga baadhi lahaayeen burburka.
Dhulgariir kale oo xooggan oo bishan September 7-deedii ka dhacay dhinaca Koonfureed ee Mexico ayaa la sheegay inay ku dhinteen illaa 98 qof.




