25.6 C
Mogadishu
Friday, November 7, 2025

Xildhibaanada Beesha Murusade oo ku kala qeyb samay xiisadda ka jirta Galmudug

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ku matala Beesha Murusade ayaa u kala qeyb samay labo garab, waxa ayna Xildhibaanadan noqdeen kuwa taageersan Siyaasada Madaxweyne Xaaf iyo kuwa ka shaqeenaya sidii Xaaf meesha looga saari lahaa.

Sida aan Wararka ku heleyno Xildhibaanadan oo u badan kuwa danley ah ayaa lakala saftay labada garab ee isku haya Maamulka Galmudug, waxa ayna Xildhibaanadan door ka qaadanayana sidii Xiisada Glamudug u noqon lahed mid faraha ka baxda si ay macaash uga helaan.

Qaar kamid ah Xildhibaanadan kasoo jeeda Beesha Murusade ayaa maanta gaaray Cadaado kuwaa oo garab siinaya Xaaf, waxaa sidoo kale Beri iyana la filayaa in Cadaado gaaraan Xildhibaano kale oo iyana ka shaqeenaya Qaska Galnudug Garabna Siinaya Gudoomiyaha Baarlamaanka Glamudug.

Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Murusade ayaa qaarkood garab ka helaya Xafiiska Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya halka Kuwa kalana ay ku xiran yihiin kooxo kale kana raadinayaan dano dhaqaale.

Dad badan ayaa rumeesan in jahwareerka ka taagan magaalada Cadadao ay kaalin muuqata ku leeyihiin Xildhibaanada kasoo jeeda Beesha Murusade, Ujeedka Xildhibaanadan ayaana lagu sheegay kaliya in ay tahay mid ay dantooda gaarka ah ku raadsanayaan.

Waxaa dhawaan idin soo gudbin doonaa magacyada Xildhibaanadan ka macaashaya Qaska Siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado iyo sidoo kale dhinacyada ay la safan yihiin Xildhibaanada iyo kuwa qolyaha gadaal ka riixaya

- Advertisement -

Read more

Local News