Muqdisho (Caasimadda Online) – Sida aan horey idinkugu sheegnay wararkeenee Xalay waxaa Muqdisho ka socdo diyaarinta wafdi isugu jiro Xildhibaano labada aqal ka tirsan kuwaas oo ay dowladda Soomaaliya dooneyso inayu dirto Magaalada Cadaado si ay u burburiyaan Maamulka mudada badan laga shaqeenayey ee Galmudug.
Sida ay sheegayaan wararka Wasiirada iyo Xildhibaanada ayaa la sheegay inay ka soo jeedaan deegaanada Galmudug, waxaana ay taageersan yihiin Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Madaxweyne kuxigeenka oo ka hor-jeeda Madaxweyne Xaaf.
Wafidgaan ayaa waxaa kamid ah Wasiiru dowlaha Howlaha Guud Axmed Qoor Qoor, Xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow Dhegdheer, Xildhibaan Yuusuf Geelle Dhagey iyo xildhibaano kale kuwaas kuwaas oo doonayo inay meesha ka saaraan Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Gelle Xaaf.
Xildhibaanadii shalay horey u tagay Magaalada Cadaado oo doonayo in la badbaadiyo jiritaanka Galmudug isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo wadahadal ayaa xalay ka digay wafdigaan ay dowladda usoo direyso Magaalada Cadaado iyagoo ku dooday inay matalaan dowladda sidoo kalana ay yihiin xildhibaano guud ahaan kasoo jeedo deegaanadaas, waxayna ku tilmaameen wafdiga ay dowladda usoo direyso Cadaado inuu ujeedkiisa yahay inay iska hor keenaan dadka Walaalaha ah ee is khilaafsan lagana shaqeeyo inuu burburo Maamulka.
Axmed Macalin Fiqi oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray inay jiraan shaqsiyaad ku qaraabanayo magaca dowladda oo doonayo inay fashiliyaan wadahadalada ka socdo Cadaado oo hadda la isku mari la’yahay markii ay faragelin looga soo sameeyey Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya.
Halkaan hoose ka akhriso Caasimadda Online xaladii hore daabacday xog ku saabsan wafdigaan ay dowladda direyso iyo ujeedkooda:

