Farmaajo oo faro-geliyey khilaafka GALMUDUG iyo xubno loo yeeray oo beri imanaya Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si rasmi ah usoo farageliyey Khilaafka madaxda Maamul Galmudug.

Wararka ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegayo inay Maalinta Berri ah Muqdisho kasoo dagi doonaan Madaxweyne Ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Casir.

Sida xogta sheegeyso Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa diyaarinayo kulan dhex dhexaadin ah oo Muqdisho loogu sameyn doono Madaxda Is Khilaafsan, waxaana Berri Magaalada Cadaado loo diri doonaa Diyaarad Khaas oo halkaas kasoo qaadi doonto Labadaan Mas’uul ee kasoo horjeedo madaxweyne Galmudug Xaaf.

Madaxweynaha ayaa kulanka dhex dhexaadinta qaban doono marka uu soo dhamaado Kulanka Berri Muqdisho uga furmi doono Madaxda Maamul Goboleedyada kuwaas oo caawa Casho Sharaf ku leh Madaxtooyada Villa Somalia

Madaxweyne Ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hor imaaday mowqifka madaxweyne Xaaf uu ka qaatay Khilaafka Dowladaha Khaliijka, waxayna sheegeen inaysan Sharci aheyn inay Maamul Goboleedyada faragelin ku sameeyaan go’aanada Arrimaha Debadda.

Dowladda Soomaaliya ayaa horey loogu eedeeyey inay ka dambeysay Khalaasaha ka jiro Galmudug, cadaadis badan iyo Xaaf oo xilkiisa difaacday ayaa keentay inuu madaxweyne Farmaajo soo farageliyo Khilaafka.

Madaxweynaha Galmudug Xaaf ayaa Maanta Muqdisho soo gaaray, waxaana Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweeyey xubno uu hoggaaminayey Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u Heshiisiinta Cabdi Faarax Saciid Juxa.

Madaxweyne Ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa horey u sheegay inay ku jiraan Xabsi Guri uu geliyey madaxweyne Xaaf, inkastoo uu isna arrintaas wax kama jiraan ku tilmaamay.

Tallaabada dowladda ay hadda qaadeyso ayaa u muuqato inuu Farmaajo ku doonayo inuu ku xaliyo Khilaafka Galmudug isla markaasna wax kasta lagu dhameeyo heshiis la iskana Hilmaamo wixii hore usoo dhacay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com