Buuq ka dhacay kulankii xildhibaanada Jubaland iyo mooshin deg deg ah oo laga keenay…

Kismaayo (Caasimadda Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Kismaayo ee Xarunta Maamulka Jubbaland ayaa sheegayo inuu halkaas ka dhacay kulan ay yeesheen Xildhibaanada maamulkaas oo kusoo dhammaaday muran iyo is faham darro.

Kulankaan oo ay soo xaadireen ilaa 50 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Jubblanad ayaa wuxuu ujeedkiisa ahaa in laga hadlo muran ku saabsan xagga qaadashada Baasaboorada ee Xildhibaanada maamulka Jubbland.

Xildhibaanada Maamulkaas ayaa lagu amray inay soo maraan shuruucda iyo wadooyinka ay dadka Shacabka ah ku qaataan baasaboorada oo ah in la maro Xarunta dowladda dhexe iyo Dambi Baarista, waxayna Xildhibaanada Jubblanad ku doodeyn inaysan arrintaas sharci aheyn isla markaasna waxay ka dhawaajiyeen inay yihiin Xildhibaano Xasaanad leh oo aysan macquul aheyn in loola dhaqmo sida dad shacab ah.

Kulanka baarlamaanka markii la rabay in la furo ayaa waxaa ka dhashay muran iyo Khilaaf weyn oo keenay in kulanka la isku fahmi waayo, waxayna qaar badan oo ka tirsan Xildhibaanadaas saxiixeen mooshin deg deg ah oo laga keenay Golaha Wasiirada.

Saxiixa mooshinkaan iyo Magacyada Xildhibaanada ayaa la hor geeyey Guddoonka Baarlamaanka, waxaana laga codsaday in muddo 15 Maalim gudahood ay golaha Wasiirada ku hor imaadaan Baarlamaan si wax looga waydiiyo sharciyada cusub ee lagu soo rogay Xildhibaanada.

Ugu Dambeyntii kulanka ayaa la isku mari waayey, wuxuuna kusoo dhamaaday fashil keenay inay Xildhibaanada isaga baxaan shirka amar la’aan.

Wxii warar ah ee kusoo kordha waan idinla socodsiin doonaa Insha Allah.

Caasimada Online
Xafiiska Kismaayo
Caasimada@live.com