Dagaal ka dhex qarxay mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed + Khasaraaha

Muqdisho (Caasimada Online) – War goordhow naga soo gaaray Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaa uu dagaal xoogan ku dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmada Afgooye.

Dagaalka ayaa la sheegayaa inuu ka dhashay muran dhexmaray Qasnajiga Degmada iyo Xisaabiyaha Degmada Afgooye oo iyagu isku qabtay lacago leys dabamariyay.

Dagaalka oo ka dhacay bartamaha magaalada ayaa waxaa ku dhintay mid kamid ah shaqaalaha maamulka Degmada Afgooye, halka uu dhaawac kasoo kala gaaray ciidamo kala taabacsanaa labada dhinac.

Dad goobjoog ah ayaa soo sheegaya in xaaladda Degmada Afgooye ay tahay mid aadu kacsan waxaana xarunta Degmada laga dareemayaa xiisadda ka dhalatay Dagaalka dhexmaray Mas’uuliyiinta ka wada tirsan Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Sidoo kale, labada mas’uul ayaa waxaa soo kala gaaray Ciidamo gurmad ah, waxaana laga cabsi qabaa in mar kale uu dagaal dhexmaro ciidamada mas’uuliyiintaasi, waa haddii aan xal laga gaarin xiisada jirta.

Dhinaca kale, waxaan jirin wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Degmada Afgooye iyo kan Koofur Galbeed oo ku aadan dagaalka dhexmaray labada mas’uul ee uu dhiiga ku daatay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com