Shirka madaxda Islaamka oo furmaaya iyo Farmaajo oo ka jeedin doona khudbad

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ka furmaya shirka Ururka Iskaashiga Islaamka oo looga hadli doono Go’aanka uu Madaxweynaha Mareykanka Trump Qudus uga dhigay caasimada Israel.

Shirkan oo ahmiyad gaara u leh wadamada Islaamka ayaa waxaa la filayaa in loogu hiilin doono magaalada Qudus oo ay duulaan ku yihiin dowladaha Mareykanka iyo Israel.

Waxaa shirka ka qeybgalaya madaxda dunida muslimka, iyaga oo la filayo in ay ka jawaabaan go’aankii Trump uu ugu aqoonsaday Qudus Caasimadda Israel.

Ururkan oo ka kooban 57 dal ayaa horay go’aanka Trump ugu yeeray mid sharci darro ah, waxaana shirka degdega  ah marti galiyay Madaxweyne Erdogan oo ah Guddoomiyaha xilligan ee ururka.

Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka mid ah madaxda shirka joogta, waana tilaabo la filayo in Soomaaliya ay ku cabirto carada ay ka qabto go’aankaas.

Dhinaca kale, Farmaajo ayaa halkaa ka jeedin doona khudbad uu uga hadlaayo go’aanka Somalia uga aadan in Qudus laga dhigo caasimada Israel.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com