25.1 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

Xildhibaan Axmed Fiqi: “NISA waa inaan laga dhigin mid ay ku shaqeystaan dad dawladda xilal ka haya..”

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo hore u soo noqday taliyaha Hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka NISA ayaa hambalyo u diray bahda NISA, sanad-guurada 48-aad ee ka soo wareegtay aasaaskeeda.

Xildhibaanka oo ka mida mucaaradka ugu waaweyn ee dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Farmaajo ayaa sheega in NISA lagu bartay sumcad, magac wanaagsan & mas’uuliyad ayey hey’adani, wuxuna bogaadiyey shaqaalaheeda kala duwan oo si xirfadaysan shaqadooda u qabsada.

“Waa waajib in magacaas wanaagsan la dhowro oo aan hey’addan laga dhigin mid dad dawladda xilal ka haya oo dano gaar ah leh ay ku shaqeystaan ama gacmaha u galiyaan dhiig iyo magac xumo taariikhdeeda daba socda…:” ayu yiri xildhibaan Fiqi oo warkan ku soo beegay dabaaldegga sanadguurada 48-aad ee NISA.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News