Arrin cusub: Maleeshiyo abaabulan oo ilaalada Madaxweynaha u diiday inay mariin ka dhigtaan Godinlabe

Cadaado (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in maleeshiyo beeleed jid gooyooyin u yaala deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud, ay is hortaag ku sameeyen ciidamo ilaalo u ahaa Madaxweynaha Somalia kuwaa oo kusii jeeday magaalada Dhuusamareeb.

Maleeshiyaadkan oo hab qabiil u abaabulnaa ayaa ciidamada u diiday inay u talaabaan magaalada Dhuusamareeb oo la filaayo inuu gaaro Madaxweyne Farmaajo.

Ciidankaan oo u badnaa Koofi Cas ayaa ka ambabaxay magaalada Cadaado, waxayna doonayeen inay sii tagaan magaalada Dhuusamareeb, si ay halkaasi u sii xaqiijiyaan ammaanka goobaha Madaxweynaha uu tagaayo.

Maleeshiyada oo u muuqday kuwo lasii diyaariyay ayaa ciidamada u diiday inay mariin ka dhigtaan deegaanka Godinlabe oo ka tirsan Gobolka Galgaduud.

Sarkaal kamid ah Saraakiisha la socta Madaxweynaha ayaa sheegay in maleeshiyada xitaa ay diideen in ciidamada ay dib uga laabtaan deegaanka Godinlabe.

Maleeshiyadan ayaa kawar heshay in Madaxweynaha uu socdaal dhulka ah ku tagaayo magaalada Dhuusamareeb oo si wayn loogu diyaargaroobay soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Somaliya.

Dhinaca kale, waxaana la ogeyn ujeedka ka danbeysa in Maleeshiyo beeleed kooban ay dhexda u galaan Ilaalada Madaxweynaha Qaranka xili Maamulka Galmudug iyo Ahlusuna ay damaanad qaaden amniga iyo dhaqdhaqaaqa deegaanada inta uu joogo Madaxweynaha.

Caasimada Online

Xafiiska Cadaado

Caasimada@live.com