Jawaari oo diiday codsi uga yimid taliyeyaasha ciidamada iyo DF oo xirtay BF inta ciidamada laga saarayo xarunta

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) ayaa ku gacan seyray codsi uga yimid taliyeyaasha ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

Codsiga ayaa ahaa inuu ciidamada la socda ka saaro gudaha baarlamaanka iyo dhismaha, si xarunta Baarlamaanka ammaankeeda loo sugo, laakiin guddoomiye Jawaari ayaa ku adkeysatay inuu isagoo madax ka yahay xarunta Baarlamaanka.

Wararka ayaa sheegaya in talieyayasha ciidamada milateriga, Booliska, NISA iyo Asluubta ay dib uga laabteen xarunta Baarlamaanka, iyagoo la shiray madaxweynaha, waxaana wararkii ugu danbeeyay sheegayaan in Taliyaha AMISOM laga warsugayo si uu xaaladda u soo dhex galo uguna qanciyo Jawaari inuu ciidamada taabacsan ka saaro Golaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa xirtay Baarlamaanka inta ciidamada laag saarayo xarunta, waxayna wararku sheegayaan in ciidamada taabacsan guddoomiye Jawaari iyo ku xigeenkiisa Mahad Cawad ay ka badan yihiin 20 askari oo aan ka mid ahayn ilaaladoodii hore.

Xildhibaannada ayaa bannnaanka Baarlamaanka weli ku sugan , waxaana taagan is mari waaga ka dhashay arrinta ciidamada hubeysan ee ku dhex jira Baarlamaanka iyo qaar saaran dhismaha.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com