Adis Ababa (Caasimadda Online) – Ra’iisul Wasaaraha cusub ee dalka Ethiopia Abiy Ahmed ayaa isku shaandheyn ku sameeyay golihii hore ee wasiirada dalkaas isagoo bedelay wasiirkii hore ee gaashaandhigga.
Abiy Ahmed ayaa magacaabay toban wasiir oo cusub balse waxa uu u dhaafay xilalkoodii wasiirka maaliyada iyo wasiirka arrimaha dibadda ee dowladii hore ee uu madaxda ka ahaa Hailemariam Desalegn.
Baarlamaanka Ethiopia ayaa dhaariyay tobanka wasiir ee ku cusub xukuumada iyadoo wasiirkii hore ee shidaalka iyo gaaska Motuma Mekassa loo magacaabay wasiirka cusub ee Gaashaandhigga.
Golahan cusub ee wasiirada ayaa laga dhowrayaa inay isbedel ku sameeyaan wadanka Ethiopia oo saddexdii sano ee la soo dhaafay ay hareeyeen banaanbaxyo.
Abiy Ahmed ayaa 2-dii bishan loo dhaariyay xukunka dalka Ethiopia kadib markii uu iscasilay Ra’iisul wasaarihii hore Desalegn, waxana uu ka soo jeedaa qowmiyada Oromada oo ah qowmiyada ugu badan dalka Ethiopia.
Tirada Golaha wasiirrada cusub ayaa la sheegayaa in ay kooban tahay,waxaana Wasiirka Warfaafinta loo magacaabay Axmed Shidde oo ka soo jeeda dowlad Degaanka Somalida Itoobiya kana tirsan Xisbiga Talada Maamulka Dowlad Degaanka haya.
Axmed waxaa lagu beddelay Wasiirkii hore ee Warfaafinta Itoobiya Negeri Lencho,waxaana magacaabistan ay ka mid tahay isbeddellada uu ballan qaaday Ra’isalwasaaraha cusub ee Itoobiya.
Ra’isalwasaare Abiye oo Baarlamaanka ka hor hadlayay ayaa ka codsaday in ay u meel mariyaan 6 wasiir oo uu ku sameeyay isku shaandheyn iyo 10 Wasiir oo cusub,kuwaas oo ka mid noqonaya Golaha Wasiirrada Itoobiya.
Dhamaan Xubnaha Baarlamaanka Itoobiya oo ka kooban 547,xubnood waxaa ay ka tirsanyihiin Xibsiga talada haya ee EPRDF,mana jirin cabsi ah in Golaha Wasiirrada cusub ay weynayaan kalsoonida Baarlamaanka.
Golaha Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta ansixiyay Golaha wasiirrada ee cusub iyada oo Baarlamaankuna ay markii ugu horreysay Haweeney Guddoomiye ka noqotay.
Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Itoobiya oo ka soo jeeda Qowmiyadda Oromada ayaa xilkaas iska casilay dhamaadkii Sanadkii hore isaga oo ka tirsanayay gabood fal ay dowladda Federaalka ah ku heysay Dadka Oromada ah.
HOOS KA AKHRISO LIISKA GOLAHA WASIIRADA CUSUB EE ITOOBIYA
Shiferaw Shigutie – Wasiirka Beeraha iyo Kheyraadka Xoolaha
Sirag Fegessa – Wasiirka Gaadiidka
Dr. Hirut Woldemariam – Wasiirka shaqada iyo Arrimaha Bulshada
Teshome Toga – Wasiirka Shirkadaha Dowladda
Umer Hussien – Hay’adda Canshuuraha iyo Dakhliyada oo darajo wasiir ah
Uba Mohamed – Wasiirka Warfaafinta iyo Isgaasiinta Tiknologiyada
Dr. Ambachew Mekonen- Wasiirka Warshadaha
Motuma Mekassa – Wasiirka Difaaca
Fozia Amin – Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska
Ahmed Shide – Wasiirka Xafiiska xiriirka Dowladda
Jantirar Abay – Wasiirka Guryeynta iyo horumarinta Miyiga
Melese Alemu – Wasiirka Macdanta, Shidaalka iyo Gaaska Dabiiciga
Birhanu Tsegaye – Xeer ilaaliyaha guud (oo darajo wasiir ah)
Yalem Tsegay- Wasiirka Haweenka iyo arrimaha Caruurta
Melaku Alebel – Wasiirka Ganacsiga
Dr. Amir Aman – Wasiiirka Caafimaadka
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho