Akhriso: Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo soo saaray jadwalka doorashada iyo shuruudo.

Muqdisho-(Caasimadda Online)-Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo maanta kullankooda 2-aad ku yeeshay xarunta Villa Hargeysa ayaa waxay soo saareen Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya .

Gudigaan ayaa sheegay in isdiiwaangilinta musharaxiinta u tartamaya xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay bilaabaneyso berri oo Isniin ah taariikhdana ku began tahay 23-ka kuna egtahay Talaadada soo socoto taariikhdana ku began tahay 24-ka bishan April.

Sidoo kale Guddiga ayaa tilmaamay in hadal jeedinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ay dhaceyso 25-ka bishaan oo ku beegan Arbaca Soo socoto ayna soconeysa ilaa  26-ka bishan.

HOOS KA AKHRISO SHURUUDAHA U SOO SAARAY GUDDIGA

1- Murashaxiinta araajidooda waxaa ay ku hagaajin karaan guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta oo fadhigooda yahay xarunta Villa Hargeisa.

2- Murashaxa u tartamaya XILKA guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada waa inuu guddiga qabanqaabada u keenaa caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.

3- Kharashaadka is-diiwaangelinta murashaxiinta waxaa lagu shubayaa xisaabta furan Account No 127 ee Golaha shacabka ku leeyahay Bankiga Dhexe ee dowladda.

Jadwalka Doorashada:

Waqtiga Diiwaan-gelinta murashaxiinta Guddoomiyaha golaha shacabka 10.00 am-05.00 PM (Taariikh 23-24 April 2018 Isniin iyo Talaado).

Hadal-jeedinta murashaxiinta guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 25-26 April 2018, Arbaco iyo Khamiis).

Diyaar-garowga iyo is-xog wareysiga guddiga qabanqaabada doorashada guddoomiyaha golaha shacabka(Taariikh, 27, 29, 2018, Jimce, Sabti iyo Axad)

Doorashada Guddoomiyaha golaha shacabka (Taariikh, 30 April 2018, Isniin).

Caasimada Online
Xafiiska muqdisho
Caasimada@live.com