Wararkii ugu dambeeyey dagaalka Tukaraq iyo meydad hor leh oo goordhow la helay

Garoowe (Caasimada Online ) – War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya in degaanka Tukaraq ay gudaha u galeen Gaadiid dagaal oo ay leedahay Somaliland kuwaa oo jihooyin kala duwan ka galay deegaanka.

Gaadiidkan ayaaa la sheegay inay kor u dhaafayaan 14 gaari oo xalay ilaa saaka kasoo gudbay degaanka Tukaraq, waxaana la sheegayaa inay gudmad u yihiin ciidamada maamulka ee ku jira aaga.

Gaadiidka gurmadka ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ku jira noocyada ay ku xiran yihiin Hubka culus, waxaana aad looga cabsi qabaa inay dib u ololiyaan dagaalka Tukaraq.

Dagaalka xoogiisa ayaa degaanka Tukaraq waxa uu mar kale ka dhacay habbeenimadii xalay, kaasi oo la xiriiray dagaalkii shalay dhexmaray labadan dhinac.

Meydadka 5 Askari ayaa saaka laga helay gudaha degaanka Tukaraq gaar ahaan goobaha xalay lagu dagaalamay kuwaa oo la sheegay in oogada jirkooda ay ku taalo rasaas dhowr ah.

Meydadka Askarta ayaa laga soo kala qaaday labada dhinac waxaana qaarkood laga toogtay Madaxa kuwaa oo aan muuqaneynin wajiyadooda, sida aan kasoo xiganay dadka deegaanka.

Sidoo kale, ciidamada maamulka Puntland ee jiida dagaalka ayaa ku jira heegan, waxaana xusid mudan in la maqlaayo rasaas goosgoos ah oo ay isweedarsanayaan labada ciidan.

Ma cadda sida uu xaalka noqon doono, waxaana aad looga cabsi qabaa in mar kale uu dhaco dagaal rogaal celin ah oo ay qaado Somaliland.

Caasimada Online

Xafiiska Garoowe

Caasimada@live.com