25.6 C
Mogadishu
Sunday, December 28, 2025

Xog:  Xukumadda Kheyre oo xil weyn u magacowday Faarax Macallin

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimadda Online) – In muddo ah, siyaasiga caanka ah ee reer Kenya Farax Macallin Dawaar waxa uu ku soo noq noqonayey Muqdisho.

Siyaasiga ayaa sido kale taageero weyn u muujiya xukumadda uu madaxda ka yahay Xassan Cali Kheyre isaga oo marar badan tallaabooyinka dowladda ku soo amaana bartiisa Twitter-ka.

Waxaa sidoo kale xusad mudan in soo dhaweyn loogu sameeyey dhawr bil kahor Hotel Xaawo Taako halkaas oo uu kula hadlay qaar ka mid ah xubnaha ka tirsan dowladda.

Su’aasha la’is weydiiyey ayaa ah maxay tahay saameynta intaa le’eg ee ay dowladdan ku leedahay hoggaamiyaga aan afkaartiisa la gabban ee reer Keya?

Caasimadda Online oo u kuur gashay arinta ayey ilo ka ag dhaw xafiiska Raisul Wasaaraha u sheegeen in Faarax Macallin Dawaar yahay la taliyaha gaarka ah ee Xassan Cali Kheyre.

Waxaa xusid mudan in Faarax Macallin iyo Xassan Cali Kheyre ay saaxiibo isku dhaw muddo ahaayeen.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News