“Mareykanka waa inuu kala hormaraa Russia aqoonsiga maamulka SOMALILAND”

Wargeyska Washington Examiner ee kasoo baxa magaalada Washington DC ee dalka Mareykanka ayaa qoray warbixin uu cinwaan uga dhigay “Mareykanka waa in uu kala hormaraa Russia aqoonsiga Somaliland.”

Qoraaga warbixintan Michael Rubin ayaa leh: Waxaa in muddo ah aad loo hadal hayey sadaal laga bixinayo siyaasado si diidan oo sameyn ku yeelan doona Geeska Africa in uu mandiqadda ku dhexmaro Mareykanka iyo Russia.

Saan saanta waa mid hadda muuqata oo ay tusaale u yihiin; dadaalka ay ku dooneyso dowladda Imaaradka Carabta oo ka wakiil ah Mareykanka in ay kula wareegto dekedaha ku yaal Geeska Africa, sida Soomaaliya iyo Eritrea halka ay hore u maamuli jirtay kuwa Jibuuti ka hor inta aysan is qaban. Russia Iyo Iran oo wada socda, ayaa iyagana waxa ay saameyn ku leeyihiin Eritrea, waxaanba sidoo kale kuwa dambe koox la ah China oo awood ballaaran ku leh Geeska Africa sida saldhig ciidan oo ugu yaal Jabuuti.

Dhammaan callaamadahaas waxa ay dhabbaha u xaari doonaan is diidooyin siyaasadeed (Geopolitics) ka qarxa Geeska Africa. Hase ahaatee, sida uu ku sheegay warbixin uu  Michaeal Rubin ku daabacay mareegaha  Washington Examiner, Mareykanka waxa ay isu soo jiidi doontaa HALIS siyaasadeed haddii aysan Russia uga hormarin aqoonsiga Somaliland.

Aqri Michael Rubin oo qoraya ahmiyadda ay Mareykanka u leedahay tallaabadaas

“Intii uu madaxweynaha Russia ka ahaa Vladimir Putin, Russia dib u curashadeeda kuma koobneyn oo qura noqoshada awoodda gobolka, laakiin waxa ay ku rejo weyn tahay in ay sidoo kale noqoto cududda aduunka oo dhan. Iyadaoo ay diblomaasiyadda Mareykanka ku saleysneyd helidda xal u helidda dhibaatada aduunka qaacido ay qolo walba ku guuleysato. Aragtida Putin waxa ay ahayd in Russia guuleysato oo uu Mareykanka guuldareysto. Taageeraddii Russia siisay madaxweyne Bashar Assad ee Suuriya ma ahayn in ay jeclaayeen hubka kiimikada ee Assad u isticmaalay ku xad gudubka xuquuqul insaanka ee waxaa gundhig u ahaa in Mareykanku guulo ka gaarin, halkaas waxaa taas dheer, dabcan, magaalada dekedda a ee Tartous, Suuriya waxa ay Russia siisay kaliya saldhigga ciidan ee ay ku leedahay meel ka baxsan dalalkii la’isku oran jiray Soviet Union.

“Hadda waxa ay ciyaar ka billaabeysaa Somaliland: Iyada oo ay Somaliland qajilaad/xishood jileyso, hadana warbaahinta maxaliga ah waxa ay baahinayeen in xagaagii hore ay Russia raadineysay saldhig ciidamada badda ah oo ay ka dhisato magaalo xeebeedka Zaylac ee Somaliland, ugana bedelato Somaliland inay siiso aqoonsi. Somaliland waa heshiis u wanaagsan, laakiin Mareykanka waxa ay ku noqoneysaa nabar istaraatijiyadeed ee ay iyadu isu geysatay.

“Waxaa jira caddeymo badan oo ay Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga aqoonsan yihiin oo ah in Russia ay tahay cabsi soo koreysa. Waxaa xaqiiqo ah in taasi tahay qodob ay wada aqoonsan yihiin ciidamada badda iyo cirka ee Mareykanka maadama ay ku qasbanaadeen ka hortagga dhaq dhaqaaqyada Russia. Helitaanka Russia ee xeeb istaraatijiyadeed oo Africa ah waxa ay sii fogeyn doontaa soo qabashada Russia.

“Waxaa dhab ah, ma jiro qof doonaya dagaal qabow. Waxaase sidaas oo kale run ah, ma jiro qof doonaya kii hore. Laakiin dhabta ayaa ah sida ay tahay, oo mararka qaar khatarta cadawga la iskama indha tiri karo. Waxa la yeeli karo waa in la xakameeyo inta aysan xilli dambe noqon.”

Halkan ka aqriso qoraalka Washington Examiner 

Waxaa Turjumay Mohamed Muse Aden (Mohamed Kaafi)
Email: Muhamedkaafi@gmail.com