4 sano kadib waxqabadka Shariif Xasan ee K/G waxaa saaran calaamatu su’aal?!!

Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa la marayaa Bilihii ugu dambeeyey ee waqtiga xukunka Maamulka Koonfur Galbeed Ee Shariif Xasan Shiikh Aadan waxaana lagu isku diyaarinayaa doorasho xasaasi ah.

Dhawr sano ka hor waxaa Baydhabo lagu doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, dadka la socda siyaasadda dalka guud ahaan gaar ahaan Koofur Galbeed waxaa ay is lahaayeen Aden waxaa uu xoogga saari doonaa Amniga, dhaqaalaha, dib u dhiska, dib u heshiisiinta iyo in Koofur galbeed noqoto Maamul la tartami kara Puntland iyo Somaliland, lakiin afar sano Sharif Xasan waxqabadkiisa waxaa saaran Calaamatu Su’aal?!!

November 17, 2014 ayey aheyd markii magaalada Baydhaba ee xarunta gobalka Bay uu ka dhacay doorashada madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo xilka madaxweyne loo doortay Shariif Xasan Sheekh Aadan, goobta ay ka dhaceysay doorashada waxaa ku sugnaa 396 ergo, waxaana xilkaasi u musharaxnaa 5 xubnood.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo hogaaminayay tobaneeyo Xildhibaano ayaa waxyar ka hor doorashada ka degay Baydhabo isagoo khudbad gaaban oo murashaxnimo ka hor-jeediyay  ilaa afar boqol oo ergo  oo lagu waday in ay doortaan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Sharif Xasan waxaa uu khudbadiisa ku yiri“Waxaa halkan ka cadeynayaa inaan ahay musharax u taagan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed, waxaa idinka codsanayaa inaad codkiina isiisaan, waxaa ku dadaali doonaa Cadaalad”

Shariif ayaa sheegay in shirka uu waqti badan soo socday, isla markaana dadaal badan la geliyay, isagoo ku dhawaaqay in hadii uu ku guuleysto uu wax ka qaban doono arrimaha ammaanka, horumarinta deegaanada maamulka iyo sidii dadka deegaanadaas uu cadaalad ugu fali lahaa.

“Hadii aad ii doorataan waxaa ka shaqeyn doonaan amniga, horumarka, ammaan haduu jirin dowlad ma jirto, ammaan haduu jirin cibaado ma jirto, horumar ma jiro, iskuul lama aadayo, waxaa rabaa inaa ila shaqeysaan hadaa ku guuleysto, taladiina ayaa ku shaqeyn doonaa, sida odayaasha dhaqanka, culumaa’udiinka, dhalinyarada iyo aqoonyahanada”ayuu yiri Shariif Xasan.

Shariif-ka oo sii hadlayay ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii dowladda Federaalka uu xiriir dhow ula yeelan lahaa, isla markaana aan la shaqeyn karin hadii aan xiriir la laheyn dowladda dhexe.

Sidoo kale Shariif Xasan waxaa uu ballan qaaday in uu xiriir fiican la yeelan doono maamullada dariska la ah Koofur Galbeed.

Doorashada oo si degdeg ah u dhacday waxaa kasoo horjeestay Jawaari oo waqtigaas ahaa Guddoomiyaha Baarlamaanka  isagoo ku tilmaamay in aanu  aqoonsan doonin  natiijada ka soo baxda doorashada shirka Baydhabo.

Waxaa kaloo isla maalintaas Shir ka dhacay magaalada Baydhabo loogu doortay Cali Maxamed Yusuf (Cali Shukur) inuu noqdo Madaxweyne saddexda gobol.

Hadabada Maxaa Ka Fulay Ballamihii uu Sameeyay Sharif Xasan Sheekh Aden:

Shariif Xasan Shiikh ayaa sameeyey ballan qaadyo aad u badan mana jiraan illaa hadda hal ballan oo uu fuliyey Shariif Xasan tan iyo markii uu noqday Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Inta badan Waqtiga Shariif Xasan wuxuu uga dhammaaday xil magacaabis, Xil kaa qaaadis, Safar debadda iyo gudaha ah iyo sida uu u difaacan lahaa danihiisa Siyasadeed halka uu u shaqeyn lahaa dadweynaha Koonfur Galbeed oo wax badan uga fadhiyey.

Dhibaatooyinka qabsaday Shariifka waxaa ka mid ah 4 bil ayey u qaadatay uu dhameystiro Wasiiro ay maamulka Koofur Galbeed yeeshaan, March 4, 2015 ayuu Sharif Wasiiradiisa dhameystiray.

Laga bilaabo maalintaas lama maqlo waxqabadka wasiirada maamulka Koofur Galbeed, lamana oga caqabadaha hortaagan in ay shaqeeyaan.

Sharif Xasan muddada maamulkiisa uu jiray waxqabadkiisa waxaa ka mid magacaabista wasiirada koofur galbeed, Magacaabista qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka 3-da gobol, dhismaha Madaxtooyada maamulka ee bishii April 10, 2015  iyo booqasho uu ku tagay Marka, Baraawe iyo Afgooye iyo meelo kale.

August 11, 2015: Shariif Xasan ayaa tagay  magaalada Baraawe isagoo sheegay in ay tahay Baraawe xarunta maamulka, waxaa kaloo uu halkaas u tagay in uu ka furo mashaariic kala duwan oo ay ka mid yihiin dhismaha Garoon diyaaradeed iyo Deked cusub, ilaa haddana ma jirto wax ka hirgalay Magaaladaas wuxuuna maamulkiisa weli ku shaqeeyaa Magaalada Baydhabo.

Waxaa kaloo Sharif Xasan lagu xasuustaa ka qeybgalka shirar dhexmaray dowladda iyo maamul goboleedyada, kuwaas oo ka kala dhacay Garoowe, Muqdisho iyo Kismaayo, sidoo kalana wuxuu qeyb weyn ka qaatay iska hor keenidda Dowladda Dhexe iyo Maamul Goboleedyada.

Dhibaatooyinka Maamulka Koofur Galbeed:

Gobollada Maamulka Koofur Galbeed waxaa ka jiro dhibaatooyin xagga amniga ah, waxaa xiran waddooyin ku yaalla gobolka Bakool, arrintaas oo hor istaagtay in gargaar iyo waxyaabo kale la gaarsiiyo dadka deegaanka.

Baydhabo oo ah Fadhiga Madaxweynaha Koofur Galbeed iyo Xukuumadiisa, Waxaa la weeraray Madaxtooyada maamulkaas, xiligaas waxaa joogay Sharifka.

March 12, 2015: Dagaal ka dhacay xarunta Madaxtooyada Baydhabo waxaa ku dhintay 6 qof uu ku jiro Mid ka mid ah raggii weerarka qaaday iyadoo goobta ay ku geeriyoodeen ragii kale ee dagaalka la galay ciidanka AMISOM.

Waxaa kaloo la weeraray gurayaha mas’uuliyiinta qaar sida Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Baydhabo Maxamed Isaaq Ibraahim Aflow  iyo Wasiir ku xigeenka wasaarada Xannaanada Xoolaha ee maamulka KMG ee Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Dhibaato Banii’aadamnimo:

3-da gobol ee maamulka Koofur Galbeed waxaa ka jirta dhibaato banii’aadamnimo oo xoogan, dadka ma helaan adeegyadii ay u baahnaayeen sida waxbarsho, Caafimaad, Biyo iyo xitaa shaqo.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa sheegey in gobolka Bakool ay ka jirto xaalad bini’aadanimo oo halis ah, iyada oo uu gobolka guud ahaan yahay mid go’doonsan.

Waxa uu sheegey in ay nasiib darro tahay in raashiin gargaar oo loogu talogalay dadka gobolka Bakool la leexsaday.

Isbaarooyinka:

Koofur Galbeed waxaa dhibaato ku haya isbaarooyin, kuwaas oo horseeday cabsi joogta ah, Taliyaha guutada Shanaad ee ciidamada xoogga dalka Cabdullaahi Xuseen ayaa sheegay inay ku guuleysteen in ay qaadaan Isbaarooyin badan oo yaallay deegaanno ka mid ah Shabellaha Hoose, Lakin howlgal kasta waxaa dib loo soo celiyaa isbaarada.

 Kufsi:

Maamulka deegaanka Mareerey ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegay in wadada isku xirta deegaankaasi iyo degmada Afgooye lagu kufsaday 5 Haween ah, dhibkaas waa inta la maqlay, laakiin dadka deegaanka waxaa ay sheegayaan in ay soo laalaabato.

Haween badan ayaa lagu kufsaday Jidadka deegaanada uu maamulkaas ka taliyo tan iyo markii uu Shariif Xasan noqday Madaxweynaha Koonfuir Galbeed, taas badalkeeda Shariifka wuxuu isaga mashquulsan yahay safar iyo dagaalo siyaasadeed oo danta guud aan ku jirin.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
Caasimada@live.com