DF oo Qatar u fasaxday in ay dhoofsato nooc ka mida duurjoogta dalka Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay dalka Qatar inay dalka ka dhoofsadaan nooc ka mid ah duur-joogta, sida ku cad qoraal ay heshay warbaahinta.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qatar loo fasaxay inay Soomaaliya ka dhoofsadaan 14 noole duurjoog ah, gaar ahaan sagaarada, oo ah xoole hilibkiisu aad u dhadhan macaan yahay.

Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay in safaaradda Qatar loo fasaxay 14 Sagaaro, kuwaasoo la sheegay in la baaray caafimadkooda.

Amiirada dalalka Khaliijka ayaa si weyn caan ugu ah ugaarsiga, waxaana hadiyad lagu siiyaa Duurjoog kala duwan, sida ka dhacay Somaliland iyo dalal badan oo Afrikaan, laakiin waa markii ugu horeysay si rasmi ah loogu fasaxo mudooyinkan danbe.

Ma cadda, haddii arrintan tahay mid hal mar-dhacday iyo inay jiraan kiisas kale oo la mid ah oo Qatar loogu fasaxay dhoofsiga duurjoogta Soomaaliya, kuwaas oo aan laga warqabin.